Xog: Shir xasaasi ah oo Villa Somalia uga socda Fahad Yaasiin iyo taliyeyaal ciidan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guriga uu Madaxtooyada Soomaaliya ka degan yahay Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa waxaa hadda ka socda shir xasaasi ah oo taliyeyaasha ciidamada uu la leeyahay Fahad Yaasiin.

Ilo-wareedyo ku dhaw shirkaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in guriga Fahad Yaasiin ee Madaxtooyada ku dhex yaalla uu shir uga socdo Fahad iyo taliyeyaasha Booliska Jeneraal Xijaar, Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, ku simaha NISA uu u magacaabay Madaxweyne Farmaajo Yaasiin Farey iyo saraakiil kale.

Lama oga qorshaha ka dambeeya shirkaan caawa u socoda Fahad Yaasiin iyo taliyayaasha ciidamada, balse waxaa muuqato in Fahad weli uu saameyn weyn ku dhex leeyahay taliyeyaasha ciidamada, islamarkaana imaatinkiisa Muqdisho uu xaaladda iyo loolanka siyaasadeed ee dalka wax ka beddeli karo.

Fahad Yaasiin ayaa saakay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib maalmo uu ku xayirnaa dalka Turkiga, ayada oo wararka ay sheegayaan inuu ku yimid diyaarad khaas ah.

Maqnaanshaha Fahad ayaa loo arkay inay qeyb ka aheyd guul-darrooyinka siyaasadeed ee uu toddobaadyadii dhowaa wajahayey Farmaajo, oo warbaahintii iyo dhaqaalaha dowladda uu kala wareegay Rooble.

Kulankaan oo hadda ka socda gudaha Villa Somalia waxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta ay dhaceen kulamo dhowr ah oo ku saabsan waan waanta laga dhex wado Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Guddiyo ay hoggaaminayaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Guddoomiyaha golihii waqtigu ka dhamaaday ee shacabka Maxamed Mursal ayaa dhawaan isku howlay inay xaliyaan khilaafka Farmaajo iyo Rooble, balse illaa hadda ma jirto wax horumar ah oo laga gaaray wadahadalladii dhacay, inta la ogyahay.