Xog: Farmaajo oo la yimid laba shuruud iyo wararkii ugu dambeeyey dhex-dhexaadinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya waan-waanta laga dhex-wado Farmaajo iyo Rooble ayaa sheegaya inay weji cusub galeen caawa, ayada oo Farmaajo uu soo bandhigay laba qodob oo uu heshiis ku qaadan karo.

Dadaalladan ayaa waxaa wada guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhacay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumadda. 

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu caawa la kulmay madaxweyne Qoor Qoor, wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Carab iyo wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Farmaajo uu soo bandhigay laba qodob oo kala ah:

1- In Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur loo wareejiyo wasaaradda arrimaha gudaha, islamarkaana wasaaradda amniga loo magacaabo shaqsi ka imanaya dhankiisa.

2- In Bashiir Goobe, oo uu Rooble u magacaabay taliyaha NISA, la geeyo meel kale oo aan aheyn Taliska NISA, oo uu Farmaajo keensado qof uu u soo magacaabo isaga.

Sida ka muuqata labadan shuruud ee uu soo bandhigay, Farmaajo ayaa aad u daneynaya inuu gacanta ku dhigo hay’adaha amniga, taasi oo haddii Rooble uu aqbalo u suurta-gelin karta inuu mar kale si qaldan u adeegsado ciidamada.

Ma cadda in Rooble aqbali doono labadan shuruud, balse waxaa maanta jiray warar sheegaya in Rooble lagu cadaadinayo inuu isaga tanaasule, kadib markii Farmaajo uu diiday inuu tanaasulo, sida uu sheegay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Waxaa boggaadin mudan waanwaan kasta oo xiisada lagu dejinayo, waxaanse ka xumahay in qoladii waanwaanta ku jirtay ay ka soo quusteen Farmaajo oo ay Rooble ku cadaadinayaan in uu tanaasulo. Tanaasul iyo gorgortan lagama geli karo xagal daacinta caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, iyo gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in R/W uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bariisa Facebook.

Sida ka muuqata labada shuruud ee uu wato Farmaajo, in xal laga gaaro wada-hadalladan ayaa weli fari ka qodneyn, mana muuqata in Rooble uu aqbali doono arrimahan, sida ay saadaaliyeen xubno ku dhow.