Wasiirka gaashaandhiga oo digniin culus u direy ciidanka dagaalka kula jira Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo booqasho ku jooga deegaanada gobolka Hiiraan ee ciidamada dowladda howl-galada ka wadaan ayaa ka digay in ciidamada dhexdooda la iska horkeeno oo dagaal dhexmaro.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan Shacabka, isaga oo u ballan-qaadeyna ciidamada deegaanka ee is-hubeeyay inay dowladda ka taageeri doonto dhinacyada amniga iyo baahiyaha ay qabaan bulshada si adeegyadii bulshada loogu soo celiyo deegaanada laga saaray Al-Shabaab.

“Waxa uga digaya ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladd in dhexdooda la iska horkeeno si loo wiiqo dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyay howl-galadii u dambeeyay ee Al-Shabaab looga qabsaday deegaano dhowr ah, isaga oo ku dhiiriyey in dagaalka dhanka ah argagixisada sii xoojiyaan.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa imanaya xili weli deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ay ciidamada dowladda ka wadaan howl-galo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dmabeeyey ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka socdeen waddooyinka isku xira Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas, ayada oo ciidamada dowladda deegaano uga qabsadeen Shabaab.