Wax ka ogow madaxda kasoo qeyb galeysa caleemo saarka madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si weyn looga dareemayaa qaban-qaabada xafladda caleema saarka madaxweyaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inay dhacdo 9-ka bishaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubnaha qaabilsan diyaarinta xafladda ayaa diyaar garow xooggan ugu jira soo dhowaynta wafuud heer caalami ah oo Muqdisho uga qeyb galaya caleemo saarka madaxweynaha.

Ilaa hadda waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi u hordhac u ah oo ka wakil ah qaar kamid ah madaxda Afrikaanka ee lagu casuumay xafladda caleemo saarka madaxeynaha sida madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijiyey inay xafladda ka qeyb galayaan waxaa kamid ah:

1- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta
2- Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed
3) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha Kenya Uhuru iyo kan Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay wax xiriir ah la laheyn madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo ku eedeeyey inay faragelin ku hayaan siyaasada arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isagu xiriir fiican la lahaa madaweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana shantii sano ee lasoo dhaafay isaga iyo Farmaajo ka dhaxeeyey iskaashii dhinacyo badan ku saabsan.

Illaa hadda lama xaqiijin inuu xafladda caleema saarka madaxweyne Xasan Shiikh kasoo qeybgeli doono madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki kaasoo isna kamid ahaa madaxdii sida weyn ugu dhaweyd madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Kadib caleema saarka madaxweyne Xasan Shiikh waxyaabaha ugu horreeyo ee laga filayo ayaa waxaa kamid ah soo celinta xiriirka dowladihii uu go’ay cilaaqaadkii kala dhaxeeyey Soomaaliya Shantii sano ee lasoo dhaafay.