Wojciech Szczesny: Arsenal sanadkaan wey qaadeysaa UCL.

Wojciech Szczesny ayaa rajo ka qaba in Arsenal ay ku guuleysan karto koobka Kooxaha Yurub ee Champions League sidii ay Chelsea sameysay bishii May.

Goolhayaha reer Poland ayaa weli ku maqan dhaawac canqawga ah, wuxuuna sheegay in kooxdiisu ay u baahan tahay inay sameeyaan sidii Blues, maadaama ay horyalkana heer hoose waqtigaan ku jiraan, xilli ay Chelsea ku dhameysatay sanadkaas kaalinta lixaad.

Kooxda Arsene Wenger ayaa 2-0 ku dubatay Montpellier waxayna u gudubtay wareega 16ka.

“Waxaad qeyb uga tahay tartanka keliya waa inaad dareensan tahay inaad ku guuleysato, miyaadan u heysan? Laakiin waxaa jira kooxo kale oo cajiib ah kuwaas oo inta badan xaogooda la xijinayo Koobka laakiin waxaan koobkaan ugu jirnaa waa inaan ku guuleysano,” ayuu yiri Szczesny sida uu qoray wargeyska The Sun.

“Chelsea waxay aheyd koox cajiib ah kuma aysan fiicneyn dhanka Premier League. Waxaan rajo ka qabaa inaan sameyno wixii ay sameeyeen sanadkii hore laakiin sidoo kale waa inaan dhanka Horyaalkana ku fiicnaanaa.

Goolhaye Szczesny, oo 22 jir ah, ayaa keliya saftay kulankiisii shanaad ee sanadkaan waxaana laga yaabaa inuu ciyaaro kulanka berri ee Aston Villa ka dib markii uu dhaawac kasoo kabsaday.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.