Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Iyadoo uusan weli furmin suuqa kala iibsiga ciyaartoydu waxaa jira warar aan dhamaan maalin, walba kuwaas oo ah in koox walba ciyaaryahan lagu xanto inay soo iibsaneyso marka uu suuqu furmo.

Si kastaba, maalin walba 1:30 PM Caasimada Online waxay idiin balan qaadeysa inay idiin soo gudbiso wararka xanta ah oo ay suuqa ka qoraan saxaafada England.

Marka la gaaro 1da bisha Janaayo hadii Allah idmo waxaa inoo bilaan doona wararkii ay wargeysyada Yurub, laakiin inta ka horeysa waxan idinka haqab tireynaa wararka xanta ah.

Aan ku bilowno.

Manchester City ayaa ku biirtay xiisaha loo qabo saxiixa ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace Wilfried Zaha, Sky Blue ayaana isku diyaarineysa inay dalab 15 milyan oo ginni ah u dirto, iyadoo kooxdiisa aman loogu celinaayo marka uu is afgaradku dhaco (The Sun)

Arsenal ayaa hugaanka u heysa xiisaha loo qabo saxiixa weeraryahanka kooxda Schalke iyo xulka Holland Klaas Jan Huntelaar, oo 29 jir ah, sida laga soo xigtay weeraryahankii hore ee xulka Netherlands Erik Meijer. (Metro)

Everton ayaa ku dhow inay hesho ciyaaryahanka daafaca uga ciyaara kooxda Molde  Vegard Forren ka dib markii uu si shaqsi ah usoo daawaday tababare David Moyes (VG: Norway)

Ciyaaryahanka ku jira under-21-ka dalka England Thomas Ince ayaa madaxiisa lagu xiri karaa 10 milyan oo ginni bisha Janaayo, iyadoo ay Tottenham kusoo biirtay kooxaha doonaya (The Sun)

Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa qorsheynaya inuu bisha Janaayo ka baxdo baahida weerarka ka heysa kooxdiisa iyadoo dalabyo u dirayo weeraryahanka Atletico Madrid Rademel Falcao, oo 26 jir ah, ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Porto James Rodriguez, oo 21 jir ah  iyo 25 jirka Napoli weerarka uga ciyaara Edinson Cavani (Evening Standard)

Tottenham ayaa u muuqata inay ku guul darreysatay dalabkii labaad oo ay u dirto 22 jirka kooxda Rome qadka dhexe uga ciyaara Miralem Pjanic. (Daily Mirror)

Aston Villa ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato 19 jirka daafaca dambeedka bidix uga ciyaara kooxda Fiorentina Massadio Haidara. (talkSPORT)

Ma jeceshahay inaad maalin walba ogaato wararka xanta ah ee la isla dhex maraayo suuqa kala iibsiga, hadii jawaabtaadu haa tahay maalin walba kala soco www.caasimada.net

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.