Dagaal ciidamada DF dhexdooda ah oo ka qarxay Muqdisho.

Iska hor Imaad u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta ka dhacay Degmada Dherkenley ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka Ciidamada Dowlada u dhaxeeyaya ayaa waxaa uu ka dhacay goordhow Xaafada Suuq Boocle ee degmada Dherkenley kaas oo salka ku haya Arimo la xiriir Guri.

Shalay iyo Maanta ayaa ciidamada waxaa ay isku haystaan guri kuyaala Dherkenley waxaana dagaalka maanta ku dhintay Labo ruux.

Dhaawaca ka dhashay dagaalka ayaa waxaa uu isagana gaarayaa ilaa Sadax ruux oo labo Askarta dagaalay ah halka mid kalana uu ahaa qof shacab.

Dad ku sugan Xaafada dagaalka uu ka dhacay ayaa sheegaya in saakay xaalada ay fiicnayd balse maanta dib ay ciidamada ay u dagaaleen waxaana jira waan waan lagu kala qaadayo ciidamada is haya.