Xabi Alonso: Saaxiibo ma nihin aniga iyo Cristiano Ronaldo.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Xabi Alonso ayaa meesha ka saaray inuu saaxiib la yahay Cristiano Ronaldo laakiin wuxuu sheegay inay xushmad ka dhexeyso labadooda.

Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka ayaa la isla dhex maraayey wararka soo jeedinaya inaysan ciyaryahanada Madrid saaxiibo dhow aheyn ka dib markii uu Ronaldo sheegay inuu ku murgayo kooxda.

Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe Liverpool ayaa noqonaaya kii ugu dambeeyey ee sheega inuusan xiriir banaanka ah kala dhexeyn xidigii hore ee Manchester United.

“Isaga iyo aniga waxaa naga dhexeeya wanaag iyo xushmad dhanka shaqada ah,” ayuu u sheegau ETB.

“Sida cad qof walba oo kooxda ka tirsan ma ahan saaxiibkeyga dhabta ah marka la joogo banaanka garoonka wax xiriir ah nagama dhexeeyo. Laakiin marka lagu jiro qolka lebiska, waan is fahamnaa. Cristiano ma ahan qof ismuumuujin badan.”

 

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.