Xog: Xaaladda dakadda Muqdisho oo cakiran iyo maareeyaha cusub oo shaqo joojin lagu sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heleyso xog ku saabsan  in shirkadda Turkiga ah ee maamusho Dakadda Muqdisho ay xayiraad shaqso saartay Maareeyaha cusub ee loo magacaabay Dakadda Magaalada Muqdisho oo kamid ah meelaha ugu badan oo ay dowladda qarash ka hesho.

Sida laga soo xigtay qaar ka tirsan Shaqaalaha Dekadda, Wakiilka shirkadda Albayrak ee Dakadda Muqdisho ayaa is hort istaag ku sameeyey shaqadii uu qaban lahaa maareeyaha cusub ee Dakadda Axmed Maxamed Washington oo dhawaan xilkaas loo magacaabay.

Sid aay shirkadda kusoo dhaqmeysay tan iyo markii ay la wareegtay Dakadda Muqdisho, ma jirin wax awood ah oo uu leeyahay Mareeyaha Dakadda, waxaana sidaas camal loola dhaqmay Maareeyaha cusub oo loo sheegay inuusan awood buuxda ku lahaan karin Dakadda.

Xaaladda markii ay meeshaas gaartay ayaa lagu wargeliyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhawaan halkaas booqday, waxayna xogta hoose sheegeysaa in la sugayo Maamulaha Shirkadda oo hadda shaqada ka maqan si wax looga waydiiyo arrintaan buuqa badan dhalisay.

Maareeyihii hore ee Dakadda Muqdisho ayaa gacan yare u ahaa Shirkaddaan, sidoo kalana waxay la wareegtay dhammaan maamulka Shaqaalaha, waxaana arrintaas wax lala yaabay ku tilmaamatay xukuumadda Kheyre oo laga filayo inay arrintaan isbadal ku sameyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com