Xafiiska Rooble oo ka warbixiyey natiijada shirkii maanta ee doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal kasoo saaray Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo maanta galay maalintii labaad.

Shirka oo uu maanta shir-guddoominayay ra’iisal wasaare Rooble ayaa waxaa laga sameeyay horumar wanaagsan, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha dalka, Maxamed Xuseen Rooble.

“Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa qoraalka xafiiska ra’iisal wasaaraha lagu sheegay in shirka maanta uu kusoo dhamaaday rajo iyo iyo yididiilo wanaagsan, waxayna falan-qeynta qoddobada dhiman sii socon doonaan ilaa maalinta berri ah.

Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Shirka doorashada ayaa ka gedisan kuwii hore, waxaana ka maqan madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday oo qaar kamid ah madax goboleedyadu ay ku eedeyen fashilka shirarkii hore, waxana sareysa rejada laga qabo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada ee mudada badan soo jiitamay.