Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay go’aan kasoo baxay DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay tallaabo ay dhawaan qaaday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, oo ay ku shaacisay liis 41 jaamacadood oo ay aqoonsatay, kuwaasi oo ay ku jireen jaamacado ku yaala gudaha Somaliland.

Guddiga Tacsliinta Sare ee Soomaliland oo kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay arrintaas oo ay sheegen inaysan jirin wax ka khuseeya wasaaradda waxbarashada Soomaaliya jaamacadaha Somaliland.

Saleebaan Dirir Cabdi, Guddoomiyaha Guddiga Tacsliinta Sare ee Soomaliland ayaa sheegay in Shan Jaamacadood oo ku yaal degaannada Somaliland ay dowladda Soomaaliya ku dartay Jaamacadaha ay aqoonsan tahay.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan Soomaaliya qiimeyn ku sameyn karin jaamacado ku yaala Somaliland, islamarkaana ay xukuumada Somaliland la xisaabtameyso jaamacadahee oo cid kale u daba fadhiisaneyn.

Waxa uu tallaabadaas ku macneeyay in hadalka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya uu lamid yahay midkii hadalkii ahaa in Hawada ay xukunto dowladda Soomaaliya.

Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa dhawaan soo saaray liis ay ku shaacineyso 41 jaamacadood oo ay aqoonsan tahay wasaaraddu.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas oo kamid ah kuwa dalka ka jira ay kasoo gudbeen wajiga 1-aad ee qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diiwaan-gashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare.

“Jaamacadaha aan ku jirin liiskaan waxeey heli doonaan fursad labaad oo ay ku soo buuxiyaan dhaliilahooda. Guddiga ayaana sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiri doono jaamacad walba oo martay qiimeeyntaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jaamacadaha ay wasaaradu soo bandhigtay ayaa waxaa ka dhex muuqday jaamacadaha Camuud iyo Eelo oo ku yaala Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal.