Xasan Sheekh oo qoraal ka soo saaray shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku soo dhaweeyey, isla markaana ku bogaadinayo hanaanka uu ku socdo shirka golaha wadatashiga Qaran oo maalin ka hor Muqdisho uga furmay ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho.

“Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa, ayuu Xasan Sheekh ku yiri war-saxaafadeedkiisa.

Waxa uu sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay maanta ku jirto xaalad halis ah oo u baahan in loo wada istaago, lagana badbaadiyo burbur hor leh. “Dhammaanshaha muddo-xileedka sharciga ah ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka waxa uu hubanti la’aan geliyay dowladnimadeena,” ayuu yiri.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhameystiran

Muqdisho, 23ka Maajo 2021: Waxaan soo dhaweynayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee Muqdisho ka furmay aniga oo u rajeynaya guul iyo in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.

Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa.

Heshiis wadar oggol ah oo laga gaaro maamulka doorashooyinka waqtigooda dhaafay waxay ummadda Soomaaliyeed u leedahay muhiimmad weyn oo ku qotonta jiritaanka dalkeena iyo wax la qeybsiga dunida asaaggeena ah.

Dowladnimadeennu waxay maanta ku jirtaa xaalad halis ah oo u baahan in loo wada istaago lagana badbaadiyo burbur hor leh. Dhammaanshaha muddo-xileedka sharciga ah ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka waxa uu hubanti la’aan geliyay dowladnimadeena.

Qatarta maanta dalka haysata ma aha oo kaliya in hay’adihii fadaraalka ee dalka isku hayay ay sharciyaddii ka dhammaatay ee waxaa kala qeybsan golayaashii sharci dejinta, golihii fulinta ayaa inta badan curyaansan, hay’adihii amniga ayaa qeybsan. Haddaba xaaladda ay ku sugan yihiin hayadaha fadaraalka ayaa keeni karta in nabad geliyada dalka ay qar ka sii dhacdo, taas oo fursad siin karta cadowga. Sidoo kale waxaa qatar ku jirta midnimada dalka oo hay’adaha Federaalku yihiin kuwa isku haya dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Waxaa taagan walwal ah in nidaaamka deyn-cafinta oo muddo siddeed sano ah soo socday uu gebi ahaanba burburo, taas oo ay ka dhalan karaan natiijooyin aan la mahadin oo dhaqaalaha dalka ee liita hoos usii dhiga. Xiriirka hay’adaha, ururrada iyo dowladaha dunida aan la leenahay oo dadaal badan lagu bixiyay soo celintiisa ayaa isna qatar ku jira haddii ay daba dheeraato marxaladda adag ee uu dalku ku jiro.

Iyada oo maanka lagu hayo xaaladdan, ayaa waxaa lama huraan ah in shirka furmay uu si degdeg ah u gaaro go’aamo suurtagelinaya in moddo kooban uu dalku ku aado doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay hannaanka maamulkeeda si loo wada aqbalo natiijada ka soo baxda.

Mar kasta Guul ayaan dadkeenna iyo dalkeennaba u rajeynayaa.