Taliye Xijaar oo is-beddel ku sameeyey taliska booliska G/Banaadir iyo degmooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya ayaa maanta isbedello ku sameeyay qaar ka mid ah talisyada saldhigyada booliska ee degmooyinka gobolka Banaadir, sidoo kale waxa uu magacaabay Taliye ku xigeenka qaybta guud ee gobolka Banaadir.

Ugu horeyn Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay G/Sare Cali-dhuux Cabdi Mahad-Alle, maadaama taliye ku xigeenkii hore ee qeybta booliska gobolka Korneyl Waaweyne uu ka mid ahaa saraakiishii lagu dilay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay saldhigga booliska ee degmada Waaberi.

Ilaa sideed saldhig degmo ayey saameysay isku shaandheynta maanta uu sameeyey Taliye Xijaar, waxayna taliyayaasha iyo saldhigyada loo kala magacaabay ay kala yihiin:

1 – Macalin Aadan, Taliyaha Saldhigga Dharkenley
2 – Axmed Bootaan, Taliyaha Saldhigga Wadajir.
3 – Ismaaciil Saciid Jaamac, Taliyaha Saldhigga Waaberi.
4 – Xasan Cabdulle Bashiir, Taliyaha  Saldhigga Cabdicasiis.
5 – Yaxye Casuuro Taliyaha, Saldhigga Dayniile
6 – Zakeriye Cabdullahi Taliyaha, Saldhigga Hodan.
7 – Farxaan Maxamed Taliyaha, Saldhigga Bondheere.
8 – Cumar Axmed, Taliye ku-xigeenka Saldhigga Bondheere.
9 – Abuukar Sheekh Aadan, taliye ku-xigeenka Saldhigga Kaxda.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in isbedelkaan lagu sameeyey qaar ka mid ah taliyayaasha saldhigyada booliska degmooyinka gobolka Banaadir uu yimid, kadib markii Taliyaha qeybta booliska gobolka Banaadir G/Sare Farxaan Maxmuud Qaroole uu Taliyaha guud Jeneraal Xijaar u gudbiyay warqad uu ku sheegayo in uusan kalsooni badan ku qabin taliyayaashii hore ee saldhigyada, lana magacaabo taliyayaal cusub.