Xog: Qoddobka ugu adag ee illaa hadda hareeyey shirka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa lasoo geba-gebeeyey maalintii labaad, ayadoo weli ay jiraan in aad la isgu hayo qodobada qaar ee la xiriira hannaanka doorashooyinka.

Sida ay Caasimada Online u sheegen dad ka agdhow shirkaas, qoddobka ugu adag ee doodiisu ay hareysay shirka maanta ayaa ahaa arrinta Somaliland, ayada oo labada dhinac ee isku haya arrinta Somaliland aysan ku qanacsaneyn qoddobkii is-fahamkii shirkii Baydhabo.

Is-fahamka Baydhabo ee 16-Febraayo ayaa dhigayay in xubnaha guddiga doorashada Somaliland ay kala qeybsadaan ra’iisal wasaare kuxigeenka, Mahdi Guuleed iyo Guddoomiya aqalka sarre, Cabdi Xaashi, wuxuuna is-fahamkaas dhigayay in Mahdi Guuleed uu dib u celiyo 4 xubnood si Cabdi Xaashi uu usoo gudbiyo badalkooda.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa xalay kulan la qaatay xubnaha matala Somaliland, si xal looga gaaro, kaasi oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, hase yeeshee waxaa ka maqnaa Guddoomiye Cabdi Xaashi, oo asaguna hogaaminaya garabka kale oo ah siyaasiyiin kasoo jeeda Somaliland.

Arrinta Somaliland ayaa markale dood adag laga galayaa, waana qoddobka xiligaan ugu adag ee horyaala madaxda ku shirsan magaalada Muqdisho, waxaana xal ka gaarista arrintaan god dheer kusii ridaya mas’uuliyiinta sarre ee isku khilaafsan xubnaha guddiga, kuwaasi oo ay horkacayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi.

Waxaa durbaba soo baxaya dhaliil xubnaha uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi u jeedinayaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ah inuu la safan yahay Mahdi Guuleed, islamarkaana uu la qabo fikirkii Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee gacanta loogu gelinayay go’aanka gobolada Waqooyi ra’iisal wasaare ku-xigeenka.

Is-mari-waaga cusub ee ka dhashay arrinta Somaliland ayaa haddii aan xal kama dambeys ah aysan ka gaarin madaxda shirsan ay caqabad cusub ku noqon karta heshiis si dhaqso leh looga soo saaro shirka, inkasta oo ay socdaan dadaalo ay madaxdu ku rabaan in qoddobkaas laga heshiisayo, ayada oo la qancinayo mas’uuliyiinta isku haya.