Xasan Aadan Samatar iyo Cigaal oo 30 sano kadib Muqdisho yimid + Video

Muqdisho (Caasimadda Online) – Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo ku dhowaad 30 sano ka hor ay ugu dambeysay.

Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal, iyo sidoo kale fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale Aadan, ayaa ka mid ahaa waftiga madaxweynaha Jabuuti ee maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya.

Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan waa Fanaaniin Qaran oo ka mid ahaa Hoboladda Waaberi, waxay codkooda halaasiga ah magac iyo maamuus uga kasbadeen bulshadda Soomaaliyeed.

Markii la ogaaday in ay dalka yimaadeen waxaa Baraha Bulshadda qabsaday sawirkooda, iyadoo dadkuna ay aad usoo dhaweeyeen in fanaaniintu muqdisho ku soo laabtaan.

Sidoo kale fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale aadan ayaa ka mid ah fananiinta maanta yimid Muqdisho.

Wefdiga Madaxweyne Geelle ayaa waxaa kamid ah Wasiirro, Xildhibaano iyo Fanaaniin, waxaana Qorshuhu uu yahay in Madaxweynaha Jabuuti uu furay Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya oo ku taala Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi la socda Madaxweynaha ay dhankooda kulamo la qaadan doonaan madaxda Dalka, kaasi oo looga hadli doono xiriirka iyo Iskaashiga labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga fanaaniinta

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com