Xasan, Fiqi iyo CC Shakuur iyo doorka ay go’aanadii Kismaayo ku lahaayeen

Hoggaamiyeyaasha intooda badan waqtigu ka dhammaaday ee maamul Gobolleedyada ayaa shalay war-murtiyeed ka soo saaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ay in muddo ah ku shirsanaayeen.

War-murtiyoodka waxa uu u badnaa dhalliilo ay dowladda dhexe u jeedinayeen iyaga oo ugu dambeyn ku soo gunaanaday in ay xiriirka u jareen dowladda.

Hadaba, maxaa isku soo beegay arrintan iyo dabkii ay in mudda ah Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka dhex shidayeen dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada?

Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Haddii aad si dhaw ula socotay khudbadihii uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur u jeedinayey qurbo joogtii uu kula kulmayey wadamado uu booqday dhawaan, ma jirin meel uusan ku weerarin dowladda dhexe oo uu ku sheegin in ay dagaal kula jrto dowlad gobolleedyada ama uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya, ogow, siyaasigu waqtiyada uu hadalladaas jeedinayo ma jirin wax ka dhexeeyey dowladda iyo gobolada, haddii ay jirto maxay uga hadli waayeen kuwa ay quseyso? Waa haddii uusan Cabdiraxmaan noqon afhayeenka maamulada!

Hoos ka eeg qoraallo uu boggiiisa ku daabacay oo uu uga sii hordhacayo shirkii shalay natiijadiisa!

 

FIQI?

Fiqi in uu door ku leeyahay arrintan ma aha mid caad saaran yahay! Soomaalida ayaa hore ugu maahmaahday “Sadar muuqda, su’aal ka dhan!” Waayo isaga shirka ayuuba ka qeybgalay!

Maxa geeyey Kismaayo xilli ay hoggaamiyeyaasha goboladda ay shir ceynkaas ah isugu imaanayeen? Shaki kuma jiro in uu qodobada ka soo baxay wax ka xar xarriiqay!

Miyeysan tusaale noogu filneyn hadalkan uu waqti yar kaddib soo saaristii war-murtiyeedkaas uu soo dhigay bartiisa Facebook!?

Xasan Shikeh Maxamuud?

Madaxweyihii hore ee Soomaaliiya waxa uu maalmo kahor shirkan lagu doonayo in lagu wiiqo dowladnimada Soomaaliya dib ugu soo laabtay dalka!

Waxaa jiray warbixin ay hore uga qortay Caasimadda Online arintan, GUJI LIFAAQAN.

 Waxaa kuu soo bixi doona in madaxweynihii hore ee dalka u soo tafaxaytay hagardaameynta dowladnimada Soomaaliya oo uu isagba dhisiddeeda door muhiim ah ku lahaa!   Tolow, Xassan, damaca ah in uu soo laabto ma waxaa u dheer “Bariis aadan cuneyn, waa la ciideeyaa!”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com