CAMEY oo ku dhowaaqay go’aankiisa baaqa uu soo jeediyey Farmaajo (Aqri)

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Camey, ayaa ka hadlay shir uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaa oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Cabdixakiin Cabdullaahi Camey, waxa uu sheegay in maamulka Puntland ay soo dhaweyneyso shirka uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo.

Camey, waxa uu tilmaamay in Puntland ay maamul ahaan hoostagto dowlada Somalia, sidaa aawgeedna ay ka jawaab celin doonto shirka uu Madaxweynaha Somalia ku dhawaaqay isla markaana ka qabsoomi doona Muqdisho.

Camey, oo u waramaayay Idaacada risaala ee magaalada Muqdisho ayaa cod dheer ku sheegay in Puntland aysan ku sifoobi doonin maamul Qaran dumis.

Cabdixakiin Camey oo waayadn uu Khilaaf kala dhaxeeyay Hogaamiyaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay soo dhaweynayso Shirkaasi, waxa uuna carab dhabay inaysan ka raali noqon doonin in masiirka maamulada dalka loo haleeyo laba hogaamiye oo galaaya doorasho.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay ka qeyb gali doonaan shirka ka qabsoomi doona muqdisho isla markaana ay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta maamulka Puntland kala dhexeysa dowladda dhexe,sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, camey waxa uu cod dheer ku sheegay in Puntland aysan qaadan doonin go’aanka uu qaatay Cabdiweli Gaas ee ahaa in la hakiyo xiriirkii dowladda dhexe ee Somalia iyo maamul goboleedyadda.

Goa’aanka kasoo baxay shirka maamul Goboleedyada ayaa Khilaaf ka dhex abuuray Hogaamiyayaasha maamulada iyo ku xigeenadooda oo markii horaba uu khilaaf u dhexeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, talaabada Madaxda Maamul goboleedyadda ayaa kusoo beegmeysa xili maalinimadii shalay ay ku dhawaaqen in guud ahaan hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com