QARAX lagu fuliyey gaari gacan oo maanta Muqdisho ka dhacay + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Xaafadda Siinaay ee Magaalada Muqdisho kaasi oo geestay khasaaro kala duwan.

Qaraxa oo jugtiisa laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banadir ayaa waxaa loo adeegsaday gaari gacan.

Qaraxa loo adeegsaday gaari gacanka ayaa la xaqiijiyay in la dhigay goob aad u mashquul badneyd waxa uuna geystay dhaawac iyo burbur goobo ganacsi.

Qaraxan oo ka dhacay qaybta Khudaarta ee Suuqa Siinaay ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay hal qof, waxaana socda baaritaano ay wadan ciidamadii goobta ka ag dhawaa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in markii hore ay garan waayen waxa dhacay balse markii ay goobta gaareen ciidamada la xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhashay gaari gacanka.

Sidoo kale, Qaraxan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo noociisa loo adeegsado gaari gacan waxaana aad ula yaabay dadkii ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Hay’adaha amaanka dowlada ayaan wali ka hadal Qaraxa noocaasi ah ee loo adeegsaday gaariga waxaana aad u hadal haya dadka Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com