Xasan Sheekh oo shaaciyay in la xiray hay’ado Iiraaniyiin ah oo Soomaaliya ka waday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay shaaciyay in dowladda ay xirtay hay’addo ajnabi ah oo gudaha dalka ka waday shiiceynta dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in hay’adda Nabad-sugida (NISA) ay markii hore usoo gudbisay hay’addahan oo laba ah, kadib xaqiijin ay dowladda federaalka qaadatay go’aanka lagu xirayo.

Hay’addaha la xiray ee madaxweynaha uu sheegay ayaa kala ah; hay’adda Qumeyni Fundation iyo hay’adda Bisha Cas ee Iiraaniyiinta. Sidoo kale waxa la xiray safaaradda Iran ee Muqdisho.

“Dadka masaakiinta ah ayaa la Shiiceynaya, gabdho la isku keenay oo ilmo agoon ah haysta harqaan ayaa loo gaday oo tababar ayaa la siiyay waa lagu dhex jiraa, dhalinyaro ayaa loo yeeray maxaa u guursan weydeen dhaqaalo ma haysano – guur-wadareed ayaa idin sameynayna waa lagu dhex jira. Waxaas oo dhan waa ficilo fiican laakiin ajande kale ayaa laga lahaa,” ayuu yiri.

“Dadkaan iyo siday ku yimaadeen ayaa fiirinay, hadda racdeyno berri mid kale ayaa la keena, marka safaaradii ayaa xirnay. Marka qanuun shareecada waafaqsaneyn dalka laguma dhaqi karo, haddii hore loo gaaray Diin aan Diinta Islaamka aheyn dalka laguma faafin karo oo dadka lama bari karo, dhihida aan dhahnay wax macno ku fadhiya ma ah haddii aan gacmihii iyo indhihii noo ilaalin lahaa yeelan weyno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimada in la fududeydiyo barashada iyo fahamka Diinta Islaamka, si wacyigooda Diimeed u sareeyo, islamarkaana aan loogu soo dhuuman.

“Maanta Ilaahay idinkii Ilaalinta Diinta iyo Horumarinteeda oo ah fududeynta barashadeeda iyo ku dhaqankeeda, waxa umadda caamka ah quseeya ayaa ina-quseeya. Waxa naga wada dhaxeeya ee ina-taabanaya waa barashada iyo fududeynteeda.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa rajeynaya in Ilaahay idinkii uu dalkaan gaari doono maalin qof duruufeysan la waayi doono, waa leeyahay kheyraadkiisa iyo wanaagiisa dalkaan.”

Soomaaliya ayaa dhowr jeer laga soo wariyay dhexdeeda in ay jiraan dad Diimo kale si hoose ugu faafiya gudaha dalka, hase yeeshe tallaabada ay qaaday dowladda Xasan Sheekh ee ku wajahayso dadka iyo hay’addaha ay ku cadaato arrintaan ayaa ah mid bogaadin mudan.