Xasan Sheekh oo shaaciyey arrimo qarsan oo ku saabsan dib u dhigsta kiiska badda

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay go’aanka ayMaxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa dib u dhigtay kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee u dhaxeeyey dalalka Soomalaiya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa shalay ku dhowaaqday in kiiska markii saddexaad dib loo dhigay illaa bisha March 2021.

Xasan Sheekh Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa arrintaas kasoo horjeestay, wuxuuna ka dhawaajiyay in dowladda looga baahan yahay iney shacabka hor keento cadeymo muujinaya inaysan raali ka aheyn go’aanka maxkamadda.

Xasan Sheekh oo Soomaaliya maamulay intii u dhaxeysay 2012-2017, wax badanna ka yaqaanna hanaanka sharciyadeed ee dowladnimada, ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay iney qasab tahay labada dal ay raali ka wada yahiin go’aan kasta oo kiisaska ICJ dib loogu dhigayo, marka laga hadlo sharciga ay maxkamadda u heysato inay dib ugu dhigto kiiska.

“Kaliya marka ay labada dal heshiis ku yahiin ayaa dib loo dhigi karaa dacwadda badda, in la aqbalay codsiga Kenya saddex jeer ma ahan wax sax ah, hadii ay dowladeennu ka biyo diidsan tahay dib u dhigista dacwada hala wadaagto shacabka cadddeymaha arrintaas, ma ahan in hadal lagu soo koobo,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Shiekh wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in dowladda hadda talisa ay raali ka tahay dib u dhigista dacwada sidaas darteed ay maxkamadda go’aanka u qaadatay.

Sidoo kale hogaamiyaha xisbiga UPD wuxuu sheegay in dowladda ay qaadday tallaabo ay meesha uga saareyso qareenadii Soomaaliyeed ee caalamiga ahaa oo ay ka mid tahay Muna Sharma, balse aysan wali shaacin dadka ay ku beddeleen.

Waxaa shacabka kiiska dib u dhigista uga warbixiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, kaasi oo sheegay in mar walba ay dowladda diyaar u aheyd in wakhtiga horay loo qorsheeyay la dhageysto dacwada balse ay u hogaansamayaan amarka ka soo baxay maxkamadda.

Si kastaba, Xasan Sheekh wuxuu qabaa in dowladda ay dooneyso iney shacabka been ku qanciso maadaama aysan maxkamadda sharci u heysan inay dib u dhigto kiiska iyadoon ogolaansho ka heysan labada wadan.

Xasan Sheekh wuxuu aaminsan yahay in dowladda hadda jirta aysan waxba ka qaban kiiska badda ay muranka galisay Kenya.

Ugu dambeyntii muddada la sheegay in la dhageysanayo dacwada oo ah 15-19 Maarso 2021 waxaa macquul ah in Soomaaliya ay yeelato hoggaan cusub maadaama taliska hadda jira uu wakhtigooda dhamaanayo bil ka hor wakhtigaas.

Hoos ka daawo Xasan Sheekh