Xasan Sheekh oo wajahaya gadoodka afar maamul goboleed – Maxay diidan yiihin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wajahayaa dib u gurasho ka imaneysa dhanka maamul goboleedyada. Puntland, Jubbaland Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa dhammaan madaxdoodu waxay siyaabo kala duwan u dhaliilsan yihiin sida uu howsha ku billaabay nidaamka cusub.

Xasan Sheekh wuxuu xukunka kusoo laabtay iyadoo maamul goboleedyada iyo Villa Somalia aysan wada-shaqeyn togan laheyn.

Nidaamkii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shan sano ku lumiyey dagaalka maamul goboleedyada, waxaana muddo xileedkii ka dhammaaday isagoo gacanta ku haya saddex maamul goboleed labana ay diidan tahay xukunkiisa.

In dowladda dhexe ay hesho dhammaan saaxiibtinimada iyo wada-shaqeynta shanta maamul goboleed waa shaqo aad u culus. Maamullada ayaa dib uga gurtay madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii ay ka gagoodeen hanaankii loo maareeyey qandaraaska qaadka, dhismaha xukuumadda iyo magacaabista xilalka sare ee muhiimka ah.

Maamullada qaaday ayaa tallaabooyinka ay qaaday xukuumadda cusub waxay u arkaan duulaan iyaga ku socda. Tusaale, in Mukhtaar Roobow wasiir la siiyey waxay Laftagareen uga dhigan tahay in dagaalkiisa loo soo bareeray.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Dhowr kulan oo gaar ah oo ay Saciid Deni wada qaateen waxay wararku sheegayaan in diiradda lagu saaray waxyaabaha uu Saciid kaga diday nidaamka cusub kuwaas oo u badnaa ballamo shaqsi ah.

Mid kamid ah wararka laga helay kulanka waa in la qabto shir u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada, waxaa jirtay soo jeedin ah in shirku Muqdisho ka dhaco laakiin warar aan la hubin ayaa sheegaya in Cabdicasiis Laftagareen uusan ogoleen inuu Muqdisho tago xilligaan, taasoo ka dhigan inuu Saciid Deni marti gelin doono shirka.

Villa Somalia waxaa la siiyey iclaaminta shirka halka Puntland ay isku diyaarineyso gogosha laakiin Galmudug iyo Puntland ayaan weli la hubin inay aqbaleen in gogosho noqoto Garoowe ayey ku warameen illo wareedyadu.

Shirkaan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh doonayaa inuu isaga xaliyo madmadowga kala dhaxeeya madaxda maamullada, inuu Xasan Sheekh ku guuleysan doono isku haynta dalka gaar ahaan maamul goboleedyada waa xujo culus oo dhallin karta guul ama fashil.

Marka la eego halka la kala taagan yihiin xilligaan Villa Somalia ma heysato maamul goboleed aad ugu dhow. Farmaajo wuxuu baxay isagoo haya Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Xasan Sheekh waqti badan ayuu weli haystaa, in lasii kala maqnaado waxay cuuryaamin kartaa shaqooyinka heer federaal iyo kuwa heer maamul goboleed.

Madaxda maamulada qaar waxay ku doodayaan inaan xukuumadda si dheeli tiran loo dhisin oo beesha madaxweynuhu qaadatay tayadii xukuumadda.

Kulankaan la qorsheenayo wuxuu kusoo aadayaa iyadoo inta badan madaxda maamulada kordhisteen mudadii xill heynta, sidii uu madaxweyne Xasan Sheekh u wajihi doono arrinta muddo kororsiga ayaa isha lagu wada hayaa.

Maamulada qaar ayaa laga soo wariyey in wada-shaqeyn laga wada hadli karo balse aysan Villa Somalia kala gorgortameyn mudada xil-heyntooda. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ololaha doorashada kusoo galay inuu keeni doono dalka oo heshiis ah dunidana heshiis la ah.

Cabirka koowaad ee hal ku dhigaas waa maamul goboleedyada, inuu ka dhigo muddo kororsiga ay sameysteen kuna qanciyo wada-shaqeyn waxay u baahan tahay xeelad weyn iyo aqbalaad kasii culus.

Marka dhinacyo badan laga eego xaaladahaan dadku waxay badi is waydiinayaan madaxeyne Xasan Sheekh ma sidii Farmaajo ayuu ku fashilmi doonaa maareynta iyo isku heynta maamul goboleedyada?