Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaare Cabdi Weli ay ka hor imaadeen dhex dhexaadin uu waday Wakiilka IGAD u qaabilsan Somalia.
Wararku waxa ay sheegayaan in Labada Mas’uul ay qaadaceen in Ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Somalia Danjire Maxamed Cabdi Afeey faragalin kusoo sameeyo Khilaafka, waxaana la tilmaamayaa inay kasoo horjeesten in quwad shisheeye ay soo fara geliyaan arrimaha gudaha Somalia.
Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa iminka ku sugan Magaalada Muqdisho iyadoo uu qorshihiisu ahaa sidii loo dhex-dhexaadin lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa oo bilihii ugu dambeysay is maandhafsanaa, ayna ka shaqeyn la’ dahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Warkan ayaa sheegaya in Afeey uu 4-ta bishan November uu telefon kula soo xiriirey Madaxweynaha una sheegay inuu u imaanayo Muqdisho siduu u kala dhex geli lahaa khilaafka ka dhex aloosan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, balse Madaxweyne Xasan Shiikh uu ku wargeliyey danjire Afeey ineysan marnaba macquul ahayn, maadaama dalku leeyahay Hay’ado awood iyo sharciba u leh iney xal ka gaaraan Khilaafkaas.
Dhanka kale, Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in Khilaafka hadda kala dhexeeya Xasan Sheekh ay Dam-Jadiid ka damacsan yihiin in dalka uu dib ugu laabto marxaladihii uu soo maray, hayeeshee taasi waxa uu ku sheegay mid aan socon doonin.
Waxa uu Cabdi Weli sheegay inuu soo dhaweyn doono hay’ad waliba oo dooneysa inay xal ka gaarto Khilaafka taagan, balse waxa uu si cad u diiday in hay’ado ajnabi ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Ethiopia ay u sheegtay labada nin ay ku gacan seeraan dadaalka Afeey, ayna iyada xalin doonto khilaafka, balse lama xaqiijin karo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

