25 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Madaxweyne Xasan oo u duulay Addis Ababa & Khilaafka oo laga arinsanayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka amba baxay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wadfi uu hogaaminaayo, kuwaa oo kusii jeeda magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa garoonka waxaa kusii dhaweeyay Ra’iisul wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Madaxweynaha ayaa waxa uu halkaasi uga qeybgali doonaa Shir inta badan diirada lagu saari doono xaaladaha ka taagan wadanka Koonfurta Sudan kaas oo laga soo sheegayo xaalado kala duwan.

Dhanka kale, wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Xassan uu shirar gooni gooni ah la yeelan doono qaar kamida madaxda shirka ka qeyb gali doonta si ay uga wada hadlaan Khilaafka u dhaxeya isaga iyo R/wasaare C/weli sheikh Axmed Max’ed.

Xassan ayaa waxa uu kulankaasi kusoo bandhigi doonaa Khilaafka isaga iyo C/weli waxaana laga yaaba in C/weli isagana halkaasi uu gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News