Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlaayay arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in lama huraan ay tahay in dadka Soomaalida cod-bixinta aadi doona ay howlahooda u fushaan hab dimuquraadi ah.
Xassan Sheekh waxa uu sheegay in Umadda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ictiqaadan waxa uu ugu yeeray Dimuquraadiga, waxa uuna ku taliyay in doorashooyinka aan dadka lagu kala soocin oo la doorto cida u muuqata inay waxtar leedahay.
Xassan Sheekh waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in loo baahan yahay in wado Dimuqraadi ah loo maro si loo soo dhamaystiro Qaabka doorashooyinka, waxa uuna carrabka ku dhuftay inaysan wax daryeel ah siin doonin Xisbiga ku guuleysta Doorashadda.
Xassan waxa uu ku celcelshay in loo baahan yahay in isaga mar kale la doorto si uu yiri uu u samata bixiyo dalka iyo dadka.
Inta badan Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahaanada dalka ayaa Xassan Sheekh ku eedeeya inuu yahay Digtaatoori islamarkaana howlaha shaqo ee DFS u rogay mid nin jecleysi iyo hoos iska taabat ah.
Dadka qaar ayaa hadalka codsiga u muuqaalka eg ee Xassan Sheekh ku tilmaamay mid beer laxawsi ah, balse aan muuqan mirro dhalkeeda.
Haddalka Xassan Sheekh ayaa imaanaaya xili hawleedkiisa ay ka harsan tahay dhowr bilood waxa uu tilmaamay in dadka ku guuleysan doona Doorashadda soo socota noqon doonaan dad Soomaali ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

