Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu maanta Madaxweynaha dalka Turkiga iyo qoyskiisa ay soo gaaren Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia, ayaa waxaa arrintaasi Warbaahinta uga warbixiyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xassan ayaa Khudbad dheer ka jeediyay Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu kasoo degay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in xiligaani Somalia uu u baryay waa cusub, islamarkaana ay cagta saartay wadadii hor marka.
Waxa uu Madaxweynaha u sheegay in maanta oo ay Axad tahay ay shacabka Soomaaliyeed u tahay maalin qiimo badan, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay aad u xusuusan yihiin kaalinta wanaagsan ee dowladda Turkiga ka ciyaartay horumarka dalka.
Nuqul kamid ah hadalka uu Madaxweynaha halkaasi ka jeediyay ayaa waxa uu u qornaa “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Walaalkeey Recep Tayyip Erdogan, waxaan leeyahay kusoo dhawoow dalkaagi iyo dadkiigii Soomaaliyeed, maanta waa maalin weyn oo taariikhda Soomaaliya iyo mustaqbalka mar walba ka muuqan doonto oo lagu xusi doono, aad ayaan ugu faraxsanahay Taariikhdaasi cusub oo Soomaaliya sameynayso in aad adigana qeyb ka tahay, Jamhuuriyadda Turkiga iyo shacabkuna qeyb ka yihiin, imaatinkaagi hore ee kan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya wax weyn ayaa u dhaxeeya, horumarkaasi waxaa qeyb weyn oo aad u balaaran ku leh adiga, dowladda Turkiga iyo shacabka Turkiga, shacabka Soomaaliduna mar walba wey idiin hayn doonaan abaalkaasi, sida aad tiri Tareminalkaan waxa uu wax weyn ka bedalay muuqaalka, wejiga, Sumcadda iyo muraalka dadka Soomaaliyeed intaba, kan kaliya maahan iyo mashaariicda kale oo aadka u balaaran oo dowladda Turkiga iyo shirkada maalgashiga turkiga ay dalkaan ka qabteen intaba waa cusub oo Soomaaliya u baryay ayeey abuureen, mar kale mudane Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxaan idiin leenahay soo dhawaada oo kusoo dhawaada dalkiina Soomaaliya, aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay”
Dhanka kale, Madaxweyne Xassan oo ku dheeraaday ayaa waxa uu farta ku goday in markii la eego Caalamka ay la socdaan in Somalia iyo Turkiga aan la kala qaadi karin islamarkaana ay soo dhaweynayaan xiriirka dhabaha u xaarayo hormarka.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad Kooban ka jeediyay Munaasabada Xariga looga jaraayay Terminal-ka Cusub ee Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxa uuna aad u amaanay doorka Hormarineed ee Dowlada Turkiga ay ka qaadaneyso Dalka Soomaaliya.
Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa lagu qaban doonaa munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweynayo Erdogan sidoo kale waxaa jiri doona heshiisyo cusub oo Labada dowladood kala saxiixan doonaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

