Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xariga laga jaray terminalka cusub ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo dhisme casri ah ay ka dhistay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.
Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa wuxuu xariga ka jaray dhismahaasi, waxaana dhinac taagnaa madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Wafdiga ayaa seddexdii maalin ee lasoo dhaafay laga sugayay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana loo xiray waddooyinka ugu waaweyn magaalada Muqdisho.
Wafdiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ah wasiiro xildhibaano iyo ganacsato sida uu inoo xaqiijiyay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Maxamed Mursal.
Waxaa sidoo kale la socda xaasaska iyo caruurta madaxda maanta soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana la filayaa in hishiisyo cusub ay la saxiixdaan dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Turkiga oo ka hadlay xaflada furitaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in markii labaad uu yimaado dalka Soomaaliya.
Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynaha dalka Soomaaliya oo dhankiisa xaflada ka hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo oo la taaban karo ay tahay howlaha uu Turkiga ka sameeyay dalka Soomaaliya.
Wuxuu amaan u jeediyay dhamaan hayadaha Turkiga ee ka howlgala magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweynaha dalka Turkiga ayaa xariga ka jaray dhismaha isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo loo dhisay qaab casri ah.