Xeer ilaaliyaha oo beeniyey hadalkii XASAN SH.

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali daahir ayaa ka hor yimid khudbad uu dhowaan ka jeediyay shirkii dhaqaalaha Soomaaliya isagoo sheegay inaan wax musuq ahi ka jirin Soomaaliya mar haddii aan wax dhaqaale ah dowlada loo gacan gelin isagoo sheegay inay waayadan danbe soo badanayaan boobka iyo dhaca dhulka hay’adaha dowladda iyo kuwa shacabka leeyihiin, isagoo caddeeyay inay jiraan dad sidii ay doonaan ka yeela, kuna takri fala dhulalka, guryaha iyo hantidii dowladda.

Xeer ilaaliyaha ayaa caddeeyay inay la xisaabtan jiri doono, qof kastaa waxa uu geystey lagula xisaabtami doono.”Waxa laga yaabaa daruufaha, waqtiga, imkaaniyaadka, xiliyada iyo goobta inay saamixi waayaan la xisaabtan ama talaabo sharci in laga qaado shaqsigii ama hay’adii musuqmaasuqa ku kacday” ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir oo intaas ku daray in xisaabtan jiri doono.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay muhiimad tahey baaritaan la sameeyo, baaritaan ka dib sharciga la horkeeni doono, haddii aan maanta la keeni waayo, berri ayaa la keeni doono ama waqti kale, isagoo u digay hay’adaha dowladda ee arrimahaas faraha kula jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com