Xiisad kacsanaan ah oo ka taagan Somaliland – Maxaa dhacaya berri?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa saacadihii u dambeeyay ka taagneyd gudaha Somaliland, xilli ay saacado kooban ka harsan tahay muddo xileedka sharciga ah ee madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ku guuleystay doorashadii qabsoomtay 13-kii November ee 2017-kii ayaa waxaa kasoo idlaaneysa saacado kadib 5 sanno ah oo uu hogaaminayay Somaliland.

Mucaaridka ayaa ka biyo diidan in uu dhaqan-gashado muddo kororsiga ay dhawaan Golaha Wakiilada Somaliland u sameeyeen Muuse Biixi, taasi oo dhalisay xiisad hor leh oo ka taagan gudaha Somaliland.

Waxaa gebi ahaanba fashilmay isku dayo la rabay in xal looga gaaro xiisada taagan ee u dhaxeysa mucaaridka iyo xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Haddaba, Berri maxaa ka dhacaya gudaha Somaliland?

Sida ay ku dhawaaqeen mucaaridka Somaliland waxaa berri guud ahaan Somaliland ka bilaaban doona dibadbaxyo waaweyn oo maalmihii dambe ay abaabulayeen siyaasiyiinta mucaaridka, taasi oo looga soo horjeedo Muuse Biixi.

Mucaaridka ayaa shaaciyay in Muuse Biixi aysan berri iyo wixii ka dambeeya u aqoonsaneyn madaxweynaha Somaliland, ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay u dhici laheyd doorasho.

Xukuumadda Biixi oo si dhow ula socota dhaq-dhaqaaqyada mucaaridku abaabulayaan ayaa waxay heegan buux galisay ciidamada kala duwan, ayada oo ciidamo hor leh dul dhigtay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Waxaa laga cabsi qabaa in xiisada taagan ay isku badasho rabashado hor leh, sida kal hore dhacday markii ay mucaaridka soo abaabuleen dibadbaxyo looga soo horjeedo Muuse Biixi.

Sidoo kale walaaca ay qabaan qaar kamid ah bulshada reer Somaliland ayaa sii xoogeystay saacadihii u dambeeyay, kuwaasi oo bilaabay inay bank-yada iyo adeegyada lacagaha mobile-ka ay kala soo baxaan lacagtooda oo kaash ah.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online