Xildhibaan Kenyan ah ‘oo ilaalada looga qaaday’ isku sawirka calanka Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya oo laga soo doorto Garissa, Canab Guure ayaa lagala noqday ilaalada kadib markii uu soo shaac baxday inay isku sawirto calanka Soomaaliya, iyo sawirka Farmaajo.

Canab ayaa sheegtay in saraakiil boolis ay sidoo kale hereeyeen gurigeeda kadib markii ilaalada laga qaaday, ayna halis geliyeen nafteeda.

Canab ayaa wacad ku martay inay adkeysan doonto islamarkaana iska caabin doonto dhammaan dhibaateynta iyo cabsi gelinta ay ku hayaan ciidamada amniga.

“Ilaaladii ayaa galabta layga qaaday, oo waxaa dib loogu yeeray sababo aan la caddeyn. Saraakiil boolis ayaa sidoo kale lagu arkay agagaarka gurigeyga. Xitaa haddii aad iga qaadeen ilaalada, Allah ayaa iga ilaalin doono waxyeelo kasta,” ayey Canab ku tiri qoraal ay maanta soo dhigtay facebook.

“Cidna ima cabsi gelin karto, imana qasbi karto. Waa la I heli karaa, waxaana la ii yeeri karaa waqti kasta oo toddobaadka ka mid ah, balse ma ogoli cabsi gelin iyo gacan maroojis. Kuma sugnin dal booliska awood leeyahay, Kenya waa dal madax-banaan.”

Ayada oo ka hadleysay sawirka muranka abuuray, ayey Canab sheegtay inuu ahaa mid sanadii 2018, bishii Ramadan, lagu qaaday safaaradda Soomaaliya ee Kenya, xilligaasi oo uusan jirin khilaaf u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya ayaa dhowaan xiriirka u jartay Kenya ayada oo ku eedeysay faro-gelin, hase yeeshee waxaa dadka qaar ay rumeysan yihiin in isku daygan uu yahay mid uu Farmaajo uu ku abuurayo xiisad siyaasadeed oo uu dalka ku geliyo qalalaase, si uu dib ugu dhigo doorashada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ciidamo dhoobtay magaalada Beled-Xaawo ee xuduudda labada dal, halka sidoo kalena Kenya ay ciidan gaysay Mandhera.