DF Soomaaliya oo war kasoo saartay ciidanka ay gaysay xuduudda Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay xiisadda ka taagan xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ee jooga magaalada Beled-Xaawo aysan amar u heysan inay xuduuda ka talaabaan, taasna ay dowladda Soomaaliya ku dadaalayso inay ka fogaato isku dhac wax u dhiba deris wanaagga labada dal.

Wasiir Dubbe oo la hadlay BBC ayaa sheegay in dowladda Kenya ay xuduuda ka wado abaabul hubeysan oo ay ugu tala gashay inay Soomaaliya ku soo daabusho, isagoo tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay taasi ku noqotay layaab.

“Dowladda Kenya waxay wadaa abaabul xoog leh oo ah jabhad hubeysan, taasi waa nasiib darro runtii, waa arrin aan qaada weynay, xiriirka diblomaasiyadeed ha iska go’naado, laakiin in awood militeri la isticmaalo oo jabhado la hubeeyo, taasi nasiib darro ayey noola muuqataa,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in jabhadaas uu hoggaaminayo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan wasiirka aminga Jubbaland oo uu ku tilmaamay nin baxsad ah oo ay dowladdu aad u doon-dooneyso, sida uu sheegay.

“Dadka deegaanka oo dhan waa ay ogyihiin, Kenya waxay adeegsaneysaa nin xabsiga Muqdisho ka baxsaday oo la yiraahdo Cabdirashiid Janan, ninkaas ayey u uruuriyeen ciidan, waxayna rabaan inuu xuduuda ka soo tallaabo, taasi ma qarsoona dadka deegaanka ayaa og, anagaa og, ciidamada xoogga ee xuduuda ku suganaa og, waa wax la wada arkayo ciidan la abaabulayo ma ahan wax qarsoomaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir Dubbe waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay tallaabadaan qaaday markii uu xumaaday xiriirka labada dal, isla markaana ay sii xoojineyso faro-gelintii ay markii horeba ku eedeysay dowladda Soomaaliya.

“Anaga mar kasta waxaa naga go’an nabadda iyo deris wanaagga, marnaba ma dhaceyso inta ciidan Soomaaliyeed xuduuda ka gudbaan, inay Kenya fidno ka dhex abuuraan, waan cadeynayaa suurta gal ma ahan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed inay xuduuda ka gudbaan, waxaa naga go’a inaan ilaalino amniga, wadanoolaashaha iyo deris wanaagga,” ayuu yiri wasiir Cusmaan Abuukar Dubbe.

War maanta ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madax-banaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Dhankiisa wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa ka hadlay eedeynta dowladda federaalka Soomaaliya ay u jeedisay dhigeeda Kenya oo ay ku eedeysay inay xuduuda labada dal ka aas-aaseyso jabhad weerarro uga fulisa gudaha Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in jabhad uu ka abaabulayo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay haatan ciidamadiisu ku suganyihiin duleedka magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, sidoo kale waxa uu sheegay in Jubbaland aysan waxaba ka khuseyn go’aanka ay dowladda Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay dowladda Kenya.

Sababta uu u joogo duleedka Beled-Xaawo waxa uu ku sheegay inay ka dambeyso sidii uu u difaaci lahaa dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Gedo, kuwaas oo uu sheegay inay “dhibaataynayso dowladda federaalka Soomaaliya.”