JANAN oo si yaab leh uga hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya iyo ciidanka uu ku haysto xuduudda

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa ka hadlay eedeynta dowladda federaalka Soomaaliya ay u jeedisay dhigeeda Kenya oo ay ku eedeysay inay xuduuda labada dal ka aas-aaseyso jabhad weerarro uga fulisa gudaha Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan oo la hadlay BBC ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in jabhad uu ka abaabulayo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay haatan ciidamadiisu ku suganyihiin duleedka magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

“Meeshan waxaa ku sugan ciidamo iyo shacabkii aan mas’uulka ka ahayn oo dhiban, isla markaana dhibaato dhac, boob iyo waxyaabo xaqiiqiyan bani’aadanimada aad ugu fool xun lagu hayo…degmadan Beled-Xaawo ee aan hadda duleedkeeda degganahay 05-03-2011-kii, ayaan cadow ka qabsanay. Haddana cadow kale ayaa haysta ayaan dhihi karaa, markaad u fiirsato sida shacabka loola dhaqmayo,” ayuu yiri wasiir Janan.

Janan ayaa sheegay in Jubbaland aysan waxaba ka khuseyn go’aanka ay dowladda federaalka Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay dowladda Kenya.

Sidoo kale Cabdirashiid Janan waxa uu sheegay in isaga iyo ciidankiisu ay joogaan duleedka magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, isla markaana uu halkaas  u joogo sidii uu u difaaci lahaa danta dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Gedo, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaataynayso dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhoobley waa magaalo Soomaaliyeed oo dowlad goboleedka Jubaland ka tirsan, ciidamadayada ayaana jooga. Haddii taa ay ciidamo ka yimaadaanna kama duwana ciidanka ka imaanaya magaalada Muqdisho oo diyaaradaha lagu soo qaadayo oo shacabka Soomaaliyeed ee reer Jubbaland ee gobolka Gedo lagu dhibaateynayo muddada dheer,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdirashiid Janan.

Hadalka Janan ayaa imaneysa ayada oo dowldda federaalka Soomaaliya ay maanta sheegtay inay “si dhaw ula socoto abaabulka militari ee ay dowladda Kenya maalmahan ka waddo aagga Mandera iyada oo hubeynaysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni darro looga abuuro gudaha Soomaaliya.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa intaas ku dartay inay ogaatay in ciidamada Kenya “ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado” magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.

Jubaland iyo mucaaradka Soomaaliya ayaa horey ugu eedeeyey madaxweyne Farmaajo inuu abuurayo xiisad aan lagama maarmeyn ahayn, si uu dagaalka Kenya uga dhigto olole doorasho, ayaga oo is-weydiiyey sababta uusan Kenya ugu dhiidhin afar sano oo uu kursiga fadhiyey ee hadda un uu ugu soo baraarugay.