Xildhibaan sheegtay sabab cajiib ah oo doorashada K/G loo geeyay 19-ka bisha

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sabab cajiib ah u yeeshay qorshaha 19 December loo geeyay doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Ujeedada laga leeyahay doorashada Koofur Galbeed ee dhamaadka December ayay ku sheegtay in la doonayo in korjoogto la’aan la rabo in doorashadaasi ay ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Waxay ku eedeysay xukuumadda Soomaaliya inay ka dambeyso arinta oo ay dooneyso in wakiilada Beesha caalamka oo aan joogin doorashada inay ka dhacdo magaalada Baydhabo, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay sheegtay in dadka ajaaniibta ee jooga Soomaaliya ay aadayaan fasaxa Kirismaska, sidaasina ay kaga maqnaan karaan doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Amaanka magaalada ayay dhinaca kale sheegtay inay qalqal galin karaan ciidamadii badnaa ee dhawaan la geeyay magaalada Baydhabo, iyadoo ka digtay in ciidamadaasi ay qeyb ka noqdaan qorshaha qalqalin gelinta amaan ee Baydhabo.

Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa shalay markii seddaxaad dib u dhigay doorashada iyaga oo ku dooday in aysan heysan agab doorasho oo ku filan iyo wakiillada Beesha Caalamka oo aan ku iman karin waqtiga ka harsan doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com