Xildhibaanada mucaaradka oo maanta Muqdisho kusoo dhaweeyay MURSAL

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo maalmihii ugu dambeeyay ku maqnaa dalka Turkey ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamanka ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano badan oo baarlamaanka mid ah, waxaana xildhibanada ay ahaayeen kuwo u badan mucaaradka.

Guddoomiye Maxamed Mursal, ayaa ka sheegay magaalada Istanbul ee dalka Turkey in wax uu ka qaban doono arinta la xiriirka khilaafka ka dhashay kala derista guddiga maaliyadda baarlamaanka.

“Waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina Xildhibaanada Sharafta leh, waan idin kaga mahad celinayaa sida walaaltinimada ah ee aad ii soo dhaweyseen, wixii shaqo ah guri ayaan leenahay halkaasi ayaan uga hadleynaa, halkaan wax shaqo ah ugama hadleyno waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina.” Ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa sheegay inay ku farsan yihiin inay kusoo dhaweeyaan magaalada Muqdisho guddoomiyaha baarlamaanka, oo wareysihii uu siiyay VOA u muuqday mid uu Mucaaradka kula safnaa.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur , Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo xildhibaano kale ayaa kamid ahaa xildhibaanada soo dhaweeyay, waxaana ay sheegeen inay sugayaan natiijada balanqaadyada uu sameeyay Guddoomiyaha.

Xiisad ayaa ka dhalatay kala deristii guddiga maaliyadda baarlamaanka iyadoo maanta maalintii seddexaad uu baaqday shirkii golaha shacabka.

Mucaaadka ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Maxamed Cabdi Waare oo si weyn u dhaliilsanaa Siyaasadda Kheyre iyo Farmaajo, walow markii dambe uu la heshiiyay, lamana oga sida xaalka guddoomiyaha baarlamaanka uu noqon doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com