Cabdirisaaq Axmed oo loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta doortay hoggaan cusub, waxayna guddoomiyaha 5-ta sano ee soo socota u doorteen Xildhibaan oo helay 37 cod.

Cabdirisaaq Axmed ayaa soo baxay, kadib markii ay wareegii labaad tanaasuleen musharixiinta la tartami lahaa, taas oo keentay inuu kusoo baxo kursigan.

Sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha KMG ka ah ee Golaha Wakiilada waxaa wareegga koowaad ee doorashadii dhacday ku guulaystay mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo noqonaya guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee Puntland ee 2024 illaa 2029.

Sidoo kale musharixiinta kusoo xigay ayaa waxa ay kala ahaayeen Mursal Maxamuud Cabdi iyo Maxamed Faarax Maxamed Gabyo oo helay min 10 cod kadibna ka tanaasuleen wareegga labaad ee doorashada, sidaasna waxaa kusoo baxay guddoomiyaha cusub.

Xubnaha kale ee tartamay, balse wareega koowaad ku haray waxaa kamid ah guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo helay 8 cod oo keliya.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha waxaa isna loo doortay Mudane Maxamed Baarri Shire, halka labaad uu ku soo baxay Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe).

Arrintan ayaa soo afjareysa hubanti la’aantii iyo walaacii ka taagnaa doorashada Puntland oo ay muddo dheer isku hayeen Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka maamulkaasi.

Doorashada madaxweynaha ayaa ku xigta midda baarlamaanka, taas oo loolan adag loo geli doono, inkastoo weli ay walaac muujinayaan musharixiinta Puntland.