Jawaabta Xasan iyo Xamza ee heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo aad loo saluugay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo Isniintii magaalada Addis Ababa lagu kala saxiixday heshiis 20 KM Itoobiya looga siinayo biyaha Soomaaliya, halkaasi oo ay degayaan ciidanka badda ee Itoobiya oo dhawaan la dhisay, ayaa dhinaca kale waxaa dad badan niyad jab ku riday heerka jawaabta ay bixisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dadka ugu baaqay inay is dajiyaan xilli la sugaayay inay dowladda soo dhaweyso shucuurta kacsan ee dadka ee gaaraysa caalamka, ee muujinaysa fal-celinta adag ee Soomaaliya.

Bayaanka ay soo saartay xukuumadiisuna waxaa ugu muhiimsana in wada-tashi loogu yeeray safiirka Soomaaliya u jooga waddanka Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadalkiisa waxaa ugu cuslaa in aanu ka tanaasuleyn taako kamid ah dhulka, badda ama cirka Soomaaliya iyo dhinaca kale in ficilka Itoobiya uu suuq u sameynayo fikirka argagixisada Al-Shabaab.

Dadweynaha aad uma hadal-hayaan jawaabta madaxda Soomaalida, waxaana ugu wacan in aysan badankood u arkin jawaab u qalanta dowlad dalkeeda qeyb kamid ah la bixiyay.

Duullimaadyada diyaaradaha Ethiopia Airlines ayaa shalay caadi u tegay Soomaaliya. Sidoo kale qaadkii ka imaan jiray Itoobiya ayaa loo suuq geeyay inta badan gudaha Soomaaliya.

Ficilkii Isniintii ayaa sidoo kale waxba ka beddelin cilaaqaadka labada dowladood oo wax walba waa caadi xilligaan. Dowladda Soomaaliya ma muujin fal-celin ugu yaraan xataa keeni karta in adduunyada kusoo baxdo buuqa labada waddan oo lasoo dhex-galo.

Dadka ka faallooda siyaasadda gobolka waxay leeyihiin jawaabta hoose ee Muqdisho ka timid ayaa dadajin karta in Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed guda-galaan fulinta heshiiska xilli lagu balamay in 30 cisho gudahood dib la iskugu soo laabto.