Xildhibaanno diiday dalab kaga yimid Xasan Sh.!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo aqalka dalka looga arimiyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu ku guul dareystay dalab uu u gudbiyay Xildhibaano ka tirsan kuwa Mooshinka wada.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Madaxweyne Xassan uu Xildhibaanadaasi ka dalbaday inuu kala hadlo arrinta Mooshinka, balse ay ka biyo diideen sababo la xiriira burbur ku yimaada garabka Mooshin wadayaasha.

Xildhibaanada uu Madaxweyne Xassan uu codsaday ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Cabdi Barre, Goodax Barre iyo Xildhibaano kale oo iyagu mug iyo miisaanba ku leh Mooshinka Cusub ee laga gudbiyay Madaxweynaha.

Ujeedka uu Madaxweyne Xassan u dalbaday Xildhibaanadaasi ayaa ah si kulan gaar ah uu kala yeelan lahaa xalinta Mooshinkiisa, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Xildhibaanadaasi ay ku gacanseeren dalabka Madaxweynaha.

Xildhibaanada ayaa si cad u diiday dalabkaasi waxa ayna u sababeeyen in kulankaasi uu Madaxweyne Xassan ku doonaayo inuu ku kala jabiyo Xildhibaanada Mooshinka, waxa ayna si wada jir ah uga digeen in Madaxtooyada Somalia ay ku dhiirato faragalinta garabka Mooshinka ku bahoobay.

Geesta kale, Madaxweyne Xassan ayaa awoodiisa ugu badan xiligaani isugu geeyay xalinta Mooshinka laga geeyay, inkastoo ay jiraan quwado kasoo horjeeda oo ku howlan fashilinta maslaxooyinka Madaxweyne Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com