Xilliga doorashada kuraasta ay u tartamayaan Kulane iyo CC Shakuur oo la shaaciyey

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada laba ka mid ah kuraasta sida aadka ah isha loogu hayo ee golaha shacabka.

Labada kursi ee doorashadooda la shaaciyey ayaa kala ah HOP#40 oo loo xiray Cabdullaahi Aadan Kulane iyo HOP#138 oo uu u tartamayo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxaana la qabanayaa 14-ka bishan Febraayo oo ku beegan Isniinta

Kursiga HOP#40 ayaa horey u ahaa mid ay dumar ku fahdisay balse waxaa hadda loo soo wareejiyey rag, si loo siiyo Kulane oo ka mid ah saraakiisha saree e hay’adda NISA.

Kulane iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa siyaasadda aad uga kala fogaa, waxaana u dhaxeysa cadaawad weyn oo dhinac waliba leh, balse waxaa kulmiyay inay Dhuusamareeb u wada joogaan kursaas ay doonayaan inay ku guuleysteen oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Cabdullaahi Kulane oo u tartamaya kursi beeshiisa ee HOP#40 ayaa loo xiray kursiga, waxaana la hubaa inuu soo qaadanayo, halka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u tartamaya kursiga beeshiisa ee HOP#138 la isku dayayo in la hor-istaago. 

Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa wadda dadaal xooggan oo kursiga looga dhigayo mid loo qoondeeyo haween, si meesha looga saaro Cabdiraxmaan Cabdishakuur.