Nabadoonka kursiga HOP#53 oo gudbiyey dacwad ka dhan ah qorshaha FARMAAJO

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Jaamac Shire Xaashi oo ah Nabadoonka jufada Bah-Ogaadeen ee beesha Mareexaan ayaa bayaan dheer ka soo saaray wax qeybsiga ergada kursigii doorashadiisa dib loo dhigay ee HOP#053, kaas oo sida la sheegay uu madaxweyne Farmaajo faro-gelin ku hayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in kursigaas uu la doonayo in loo xiro Reysal Qorane Abshir, oo ah gabar ay qaraabo hoose yihiin, taas oo keentay in si adag uu uga soo hor jeesto Nabadoonka Jufada Bah-ogaadeen oo kursigaan uu kala dhaxeeyo jufada reer Dalal ee Mareexaan.

Nabadoonka Jaamac oo qoraalkiisa ku socodsiiyey guddiga xallinta khkilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa yiri, “Guddiga Sharafta leh , Salaan iyo qaddarin naga guddooma, Aniga oo ah Nabadoon Jaamac Shire Xaashi oo ah Nabadoonka Beesha Bah-ogaadeen ee Mareexaan, waxaan halkan idiinkugu soo gudbineynaa cabasho ku saabsan habka wax qeybsiga Ergada kursiga Bah-ogaadeen ee HOP#053, oo deegaan doorashadiisu Dhuusamareeb – Galmudug,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Nabadoon Jaamac Shire ayaa qoraalkiisa ku soo bandhigay cadeymo muujinaya hanaankii sanadkii 2016-kii loo qeybsaday ergada gursiga jufada Bah-ogaadeen ee Mareexaan, sidoo kale waxuu cadeeyey in hadda ay beeshu ogoshahay in wax loo qeybsado si waafaqsan habraacyada doorashada dadban 2020-2022.

Hoos ka akhriso Bayaanka Nabadoonka Bah-ogaadeen – Mareexaan

Waxaan cadaynaynaa in Bah Ogaadeen ay Ergo qeeybsi ku sameeeysay Doorashaddii 2016kii taasoo ku cad Waraaqdii kasoo baxdey Gudigii Doorashada Heer Dawlad Goboleed ee Galmudug SEIT iyo Guddigii Doorashada Heer federal FEIT 2016kii warqadaas oo muujinaaysa habka ay tahay wax qeybsiga Ergada Bah Ogaadeen waxaan diyaar u nahay in Ergadda loo qaybsado sida waafaqsan habraacyada Doorashada Dadban 2020-2022 oo Qeexaya in Xubnaha Xulitaanka Ergada (odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah) ay u soo xulayaan Ergada doorshada si waafaqsan hanaankii ergo qeybsiga doorashadii 2016kii oo labajibaaran ama si kale oo ay heshiis ku yihiin.

Nabadoon Jaamac Shire Xaashi kadib markii uu arkay khilaafka jira waxaa uu soojeediyay in wada hadal iyo isfahan lagu dhameeyo Khilaafka wax qaybsiga Ergadda asaga oo waliba codsaday in maanta loo tanaasulo walaalahood reer Dalal oo ayagu kursiga ku loolamaya, balse arintaas dhinacyo kale ayay ka socon wayday.

Hada maadaama oo ay suurta gali wayday in khilaafkaas is fahan iyo heshiis looga gaaro Beesha dhexdeeda, waxaan cadaynaynaa in uusan jirin wax Heshiis ah oo ka badalan habkii ay Beesha Bah Ogaadeen Ergo qeeybsi ku sameeeysay Doorashaddii 2016kii, sidaas darteed waxaan dalbanaynaa in wax-qabysiga Ergadda Bah Ogaadeen loo raaco sida waafaqsan habraacyada xulista ergada ee lagu heshiiyay ee ku cad Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 21-22 August 2021. Habka Ergada loogu qaybiyay 2016kii Beesha Bah Ogaadeen waxay ku cadahay Waraaqdii kasoo baxdey Gudigii Doorashada xiligaas ee cabashadeena ku lifaaqan.

Ugu waxaan ka codsanayaa Guddiyada doorashda heerarkooda kala duwan in Doorashada Ay u qabtaan si dhex dhexaad iyo cadaalad ah oo waafaqsan habraacuadii lagu heshiiyay waxaana u cadaynayaa in wax waxba oo ka badalan habkii Erga qaybsiga beesha Bah Ogaadeen ee doorashdii 2016dii oo aan heshiis lagu ahayn ay tahay waxba kama jiraan, waxaana ka codnanaynaa in aan xacieena si cadaalad ah ku helno..

Nabadoonka Beesha Bah ogaadeen Nabadoon Jaamac Shire Xaashi  

Hoos ka eeg cadeymaha kanaankii 2016 loo qeybsaday ergada kurigaas

Hirgelinta Hannaanka Doorashooyinka Dadban ee 2016

Ku. Madax-dhaqameedyada iyo nabadoonnada beelaha hoos ku xusan

Og. Madaxda Maamul-Goboleedka Gaimudug

Ujeeddo: go’aanno wax-gevbin kuraas doorasho

Guddiyada Federaalka iyo Dowlad-Goboieedka Galmudug Ee Hirgelinta Doorashada waxay 23-27 Nofeembar la yeesheen kulammo xal loogu raadinayo kuraas dhowr ah oo ay ku adkaatay beelaha iska Ieh inay ugu heshiiyaan wadaagiddooda iyo qeybsiga ergada doorashada. Kadib markii ay la dhegeystay dhammaan dhinacyada beelaha waxay go’aamiyey in qeybta ergooyinka iyo tartanka kursigu noqdaan sidan:

  1. Marge )aegifiarlalaa n: 3ifooyinka bah-ogaadeen ee kala ah Reer Dalal, Reer Xirsi, Maxamuud Guuleed, Fiqi Yacquub, Sharma’arke Rooble, Habar Ciise, Howraarsame iyo Reer Yuusuf; dhammaantood wey u tartami karaan kursigan Bah-Ogaadeen, ergada kursigan waa sidan: a) Reer Dalal = 13 b) Reer Xirsi = 13 c) Reer Maxamuud Guuleed = 10 d) Sharma’arke Rooble – 3 e) Fiqi Yacquub = 2 f) Howraarsame =4 g) Reer Yuusuf = 1 h) Habar Ciise = 5

Go’aannadaan saameyn kuma yeelanayaan wax-qeybsiga dhaqanka beelaha ee wuxuu ku eg yahay Doorashada Dadban ee 2016. Waxaa dhammaan madax-dhaqameedyada iyo waxgaradka beelahaan laga doonayaa inay u hoggaansamaan go’aannada la gaaray ayna si degdeg ah u soo gudbiyaan. Go’aankaani wuxuu dhagangelayaa marka uu saxiixo guddiga GDGDD Galmudug uuna ogolaado Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Ee Hirgelinta Doorashada Dadban GFHDD.

Sidaa iyo shaqo wacan

Guddiga GFHDr Guddiga GDGDD

26 Nofeembar 2016