Xisbiga uu Xasan Sheekh hoggaamiyo oo ka hor-yimid go’aanka DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa kasoo horjeestay waraaqdii Shalay kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo ku saabsaneyd in Galmudug ay 4 Bisha July ka dhici doontoo Doorasho.

Xisbiga ayaa waraaqda ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya shalay oo taariikhdu ay ahayd 19ka Juun 2019 ku tilmaamay mid aan laheyn sal ama tixraac sharci, sidaas darteedna uu yahay sharci darro.

Xisbiga ayaa sheegay in agaasinka iyo qabashada doorashooyinka uu kaliya xaq u leeyahay maamulka Goboleedka aysana shaqo ku laheyn Dowladda Dhexe.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Haddaba halkaan hoose  ka akhsriso war saxaafadeedka oo dhamesytiran

Waxaan halkaan ku caddeyneynaa in war-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikhdu marka ay ahayd 18ka Juun 2019 uusan lahayn sal ama tixraac sharci, sidaas darteedna uu yahay sharci darro. War saxaafadeedkaas wuxuu iska indho tiray Dastuurka KMG ah ee dalka, Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sida ku cad Qoddobka 120aad ee Dastuurka KMG, arrimaha doorashooyinka Maamul Goboleedka Galmudug (Sida dawlad goboleedyada kale) waxaa qorsheyntooda, agaasinkooda iyo qabashadoodaba xaq u leh keliya hay’adaha uu xaqsiinayo dastuurka Dawlad Goboleedka Galmudug oo ay ku heshiiyeen beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Maamul Goboleedka Galmudug oo loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo oo laga dhowro faragelin kaga timaada dawladda dhexe.

Sidaas darteed, ku ilaalinta dooroshooyinka Galmudug waqtiga ay dhacayaan iyo muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka waxaa lagu dhaqayaa Dastuurka Dowlad Goboleedka iyo heshiis kasta oo bulsho kaas oo ay ku heshiiyaan dadka deegaanku. Haddaba waxaan Dawladda Federaalka ah uga digaynaa in aysan ka tallaabin seeraha sharciyeed ee dastuurka dalku uu u xadaynayo, ayna u hogaansanto qodobada dastuuriga ah ee kala xadaynaya awoodaha dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada.

Ugu danbayn, waxaan garowsannahay in bulshada reer Galmudug dhexdooda uu ka dhex-jiro

Khilaaf xooggan oo saameeyey maamulka & deegaankaba, kaasoo u baahan dib-u-heshiisiin baahsan oo dhexdooda ah, garwadeenna ay ka yihiin waxgaradka Galmudug.

=DHAMMAAD=

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com