25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xisbiga Waddani oo ka baxay heshiiskii saddexda xisbi ee doorashooyinka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta shaaciyey in uu gebi ahaanba ka baxay heshiiskii ay dhawaan wada galeen saddexda xisbi qaran ee Somaliland, kaasi oo ku aadana qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha Xisbiga Waddani ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland haya uu jabiyey labo qodob oo kamid ah heshiiskii ay ka wada gaareen qabsoomida doorashooyinka.

Xirsi ayaa xukuumada Muuse Biixi ku eedeyay inay iyadu fashilka heshiiskaasi dusha u ridaneyso, midaasi oo uu ku tilmaamay inay iyadu dabada ka riixeysay jebinta qodobadaasi oo kamid ah heshiiskii ay saddexda xisbi wada galeen.

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu si cad ugu dhawaaqay in xisbiga Waddani uu ka baxay heshiiskii doorashooyinka ee lagu saxiixay qasriga madaxtooyada, wuxuuna yiri

“Waa wax aad loola yaabo heshiiskii Madaxweynuhu hormuudka ka ahaa ee miiskiisa lagu saxeexay ee labada xisbi mucaarid Guddoomiyeyaashoodu wax ka saxiixeen ee aan qaranka cidi u maqnayn beesha caalamkuna inagu wehelisay ee markhaatiga ka ahayd ee ay inagala shaqaysay in la yiraahdo ‘inan looyar ah baa diiday oo yiri waa sharci darro’ oo madaxweynaha iyo intaas oo dhan waxay isku raacday waa sharci darro waa wax aad loola yaabo oo lagu qoslo”.

“Qofka looyarka ah ama sharci yaqaanka ahi aragtidiisa sharci ayuu sheegi kara laakiin heshiiska oo nuxurkiisu ahaa in golaha la hor geeyo goluhuna ama diido ama yeelo oo sida heshiiska ku qoran ansixiyo ama diido”.

“Heshiiskaasina waxa kaliya oo wax ka bedeli karayay, burin karayay ama laali karayay diidmada goluhu diido, xisbiyada mucaaridka ee aanu ka mid nahayna way ku talo galeen in haddii goluhu diido sidiisii loogu dhaqmo qodob ka mid ahna weeye haddii uu ogolaadana in 9 laga dhigo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa muuqata in xukuumadda Kulmiye ee Madaxweynaheedu saxeexay iyo xisbiga Kulmiye ee guddoomiyihiisii goobjooga ahaa in ay si indho la’aan ah heshiiskii u buriyeen maaddaama ay buriyeen oo ay ka hor yimaaddeen qodobadii heshiiska oo aanay sidiisii u raacin anagana mawqifkayaga Waddani waxa weeye waanu ka baxnay oo heshiiskaasi nama qabto waanu ka baxnay”.

“Laga bilaabo maanta heshiiskaasi uma xidhnin laakiin, waxaanu ogol nahay haddii miiska wada-hadalka la isugu yimaaddo oo hawshii dib loo wadayo oo ay ka noqdaan khaladkoodii oo ay garwaaqsadaan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News