Xog: 4 qodob oo lagu soo qaaday kulankii Itoobiya iyo madaxda warbaahinta Muqdisho (Qorshe cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo dhamaaday kulan ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeyay saraakiil ka tirsan safaaradda Itoobiya iyo qaar kamid ah madaxda warbaahinta magaalada Muqdisho.

Kulanka oo qaatay dhowr saacadood ayaa u badnaa wacyi gelin, isbarasho, mahadcelin iyo dalab ka koobnaa 4 qodob oo quseeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxda warbaahinta ayaa loo sheegay:

1) – In Itoobiya uu ka dhacay isbadal ku saleysan nabad iyo wada-nolaasho gobalka ah, lana soo afjaro wax kasta oo dagaal ama cadowtinimo ah oo ka dhaxeeyay wadamada deriska ah.

2) – In Soomaaliya iyo Itoobiya aysan kala maarmin ayna hogaamiyaasha labada dal ku heshiiyeen is dhaxgal dadweyne, horumarin ganacsi, iyo in laga wada shaqeeyo nabadda geeska iyo tan labada dal.

3) – In umadda Itoobiya iyo tan Soomaaliya qalbiyadooda laga tir tiro waxyaabihii xumaan iyo colaad ah ee soo maray labada dal.

4) – In Warbaahinta Soomaalida ay ka qayb qaadato dhismaha wado shacabka labada dal u xaari karta is-jeceyl iyo kuwa noolaasha darisnimo iyo Iskaashi.

Waa kulankii ugu horreeyay ee dhaxmara warbaahinta Soomaalida iyo safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya. Lama oga in kulankaan ay wax ka ogeyd Soomaaliya iyo in kale balse waxay dadkii ka qayb galay loo sheegay in ay ka war qabto dowladda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maalmo ka hor xog lagu tilmaamay mid aan sax aheyn ay warbaahinta Itoobiya ka qoreen shirkii ka dhacay Nairobi ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay warbaahinta Itoobiya sheegayn in laga wadahadlay arrimaha badda.

Qorshahan cusub ayaa u muuqda dadaal weyn ee dowladda Soomaaliya iyo dowladda Abiy Ahmed ay ku doonayaan in lagu beddelo fikirka shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan dowladda Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com