Xog: Akhriso Odayaasha Beesha Sacad oo codsi u diray kuwa Saleebaan ee ku sugan Cadaado

Cadaado (Caasimadda Online) – Odayaasha Beesha Sacad oo ka kala imaaday Magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo iyo Hobyo ayaa isugu tagay Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Ujeedka safarkaan ee odayaasha ku tageen Magaalada Cadaado oo aan xog ka helnay ayaa sheegeysa inay odayaashaas kulan xasaasi ah la qaateen oday dhaqameedyada Beesha Saleebaan ee ku sugan Cadaado iyo guud ahaan deegaanada Maamulka.

Odayaashaan oo isugu jiro Ugaasyo, Garaadyo, wax Garad iyo Nabadoonop ayaa Odayaasha Beesha Saleebaan ka codsaday inay ku garab istaagaan sidii loogu soo wareejin lahaa Axmed Shariif oo ku sugan Magaalada Cadaado kaasoo Guri ku yaal halkaas ku heysto 6 gaari oo kuwa Dagaalka ah.

Odayaashaan ayaa Axmed Shariif ku eedeeyey inuu ka shaqeenayo duminta Maamulka Galmudug iyo sidii la isaga hor keeni lahaa Beesha Sacad oo uu kasoo jeedo Madaxweyne Xaaf.

Odayaashaan ayaa kuwa Beesha Saleebaan oo leh Maamulka Cadaado u sheegay labadaan qodob midkood in loo sameeyo:

1) In Axmed Shariif lagu soo wareejiyo oo ay iyaga xabsi dhigaan

2) inay dhex dhexaadin u bilaaban laguna wargeliyo inay odayaashaan Cadaado u imaadeen inuu joojiyo falalka lagu qalqal gelinayo Galmudug iyo Beesha ee uu ka wado Magaaladaas.

Odayaasha Beesha Saleebaan ayaa kuwa Sacad ee tagay Cadaado ka codsaday inaysan sameyn wax tallabo ah isla markaasna iyaga laga warsugo si ay Axmed Shariif ugu wargeliyaan arrintaan waxa ka jiro iyo go’aanka Odayaasha Beeshiisa .

Odayaasha Beesha Sacad ayaa aqbalay soo jeedinta Odayaasha kale, waxaana lagu balamay inay ugu dambeyn galabta war rasmi ah ka keenaan Axmed Shariif iyo sidii laga yeeli lahaa.

Odayaasha Sacad ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in si sharci darro ah loo rido madaxweyne Xaaf, taas badalkeedana waxay sheegeen inuu Axmed Shariif sugo waqtiga Xaaf xilka u dhammaanayo ama si sharciga waafaqsan looga qaado xilkaas.

Axmed Shariif ayaa ahaa musharixii Xaaf kula tartamay xilka madaxweynimo ee doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Cadaado