Xog: Axmed Madoobe oo maleeshiyaadka Liyuu Boolis kusoo hoggaaminaya Bakool iyo xiisad…

Nairobi (Caasimada Online) – Tan iyo waxii ka dambeeyay markii magaalada Ceelbarde looga dhawaaqay maamulka Bakool sare oo ay sameysteen dad beel ahaan wada daga Ceelbarde, Yeed iyo Aato ayaa waxaa socday dadaalo deegaanadaasi ciidamo gaar ah u yeelan lahaayeen.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweynaha maamulka Jubbaland uu waddo dadaalo ciidamo lamid ah kuwa liyuu boolis looga hergelin lahaa deegaanada maamulka cusub ee qaab beeleedka ku dhisan ee Bakool sare.

Xiriir hoos oo dhexmaray madaxweynaha maamulka Kililka shanaad Cabdi Maxamuud Cumar iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa la isla meel dhigay in deegaanada Bakool sare loo sameeyo ciidamo gaar ah oo tababar loo siiyo sida liyuu boolis.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada deegaanada Bakool sare tababar loogu qaadi doono dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxaana tababarka siinaya saraakiisha ciidamada ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Qorsha ayaa waxaa maamulka Jubbaland la waddo wasiirkii hore ee maaliyada xukuumadii Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane, oo kaalin ku lahaa dhismaha maamulka Bakool sare.

Wasiirkii hore ee Maaliyada ayaa wali ku mashquulsan sidii uu u dhamaystiri Lahaa Maamulka Gobolka Bakool oo hada qabyo ah,wuxuuna Siyaasiga u tafo xaytay sidii dadka deegaanka looga dulqaadi lahaa dhibaatada balaadhan ee ay Maamulka Koonfur Galbeed ku hayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com