Beesha Murusade iyo Boorsaani oo ay ka tafatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Khilaaf cusub uu iminka ka dhex curtay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xasan Jimcaale iyo Beesha Karanle/Murusade.

Khilaafka ayaa salka ku haya Degmooyin ay Beesha ka degto Gobolka Banaadir, kaasi oo Gudoomiyaha Gobolka uu doonaayo inuu u magacaabo Beelaha Habar-Gidir iyo Abgaal.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xasan Jimcaale ayaa Wasiirka arrimaha Gudha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odawaa usoo jeediyay in gacanta Beesha Marusade laga bixiyo mid kamid ah Degmooyinka Dayniile iyo Howlwadaag, waxa uuna Sheekh Yuusuf wasiirka usoo jeediyay in Degmada Dayniile ama Howlwadaag loo dhiibo Abgaal ama Habar-Gidir oo labadaasi Degmo miisaan ku kala leh.

Yuusuf Xasan Jimcaale ayaa Wasiirka usoo jeediyay in qeybo kamid ah Degmada Dayniile ay ka degan yihiin Beesha Habar-Gidir, halka Degmada Howlwadaagna ay ka degaan Abgaal sidaa awgeed aysan munaasab aheyn in reer gaar ah ay wakhti waliba maamulaan hal degmo.

Kulamo kala duwan oo Odayaasha Beesha Karanle/Murusade ay ku qaadanayaan Hoteelada Muqdisho, ayaa waxa ay ku qaadaceen qorshaha uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xasan Jimcaale uu ku doonaayo in gacanta Beesha uu uga saaro Degmooyinkaasi.

Odayaasha ayaa wada dadaalo ay Wasiir Odawaa uga hakinayaan magacaabida Gudoomiyayaasha labadaasi Degmo, waxa ayna sidoo kale Dacwad u gudbiyeen Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, dacwadaasi oo ay uga cabanayaan qorshooyinka Odawaa iyo Yuusuf Xasan Jimcaale.

Beesha Karanle ayaa Gobolka Banaadir ka maamusho labada Degmo oo qeybo kamid ah ay degan yihiin Beelaha Habar-Gidir iyo Abgaal, waxa ayna cabsida ugu badan laga qabaa in mid kamid ah labadaasi Degmo ay ka baxdo gacanta Beesha Karanle.

Lama oga wajiga ay Odayaashaasi kala kulmi doonaan Gudoomiyaha Gobolka oo horay ay kulan ula qaaten iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo leh magacaabida Gudoomiyayaasha Degmooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com