30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Xog cusub: Jubbaland oo gurmatay PUNTLAND

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xubno ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in maamulka uu gurmad degdeg ah u diray maamulka dhigiisa ah ee Puntland.

Gurmadka ayaa la sheegayaa inuu ka kooban yahay Hubka fudud iyo Ciidamo gaashaaman oo dhawaan tababar ciidan loo soo xiray, waxaana la tilmaamayaa in ciidankaasi diyaarad looga daabulay garoonka magaalada Kismaayo.

Ciidanka gurmadka u ah Puntland ayaa la sheegayaa inay hogaaminayaan ilaa Lix Saraakiil kuwaasi oo u tababaran ka dagaalanka furumaha uu cadowga ku sugan yahay.

Xubnaha ma aysan sheegin tirada ciidamo ay Jubbaland u dirtay Puntland waxaase la sheegayaa in Ciidamadaasi laga soo saaray ilaa laba xero oo ku taalla duleedka magaalada Kismaayo.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa Siyaasad ahaan aad isugu dhow marka laga soo tago Siyaasadaha kale ee Puntland kala dhexeeya Dowlada iyo maamulada.

Lama oga waxa gurmadka socda uu ka bedeli doono dagaalka Puntland kala dhexeeya gowracatada xagjirka ah ee kasoo horjeeda nabada iyo xasiloonida Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News