Xogta arrinta xasaasi ah ee lagu haysto laba qof ajaanib ah oo DF ay dalka ka cayrisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay shaacisay inay dalka ka cayrisay laba nin oo u kala dhashay Jarmalka iyo Poland, kuwaasi oo lagu kala magacabo Jocek Jozef Ochman iyo Ralf Bernhard Gehlig.

Dowladda si rasmi ah xilligaasi uma shaacin sababta laba nin ee ajaanibta ah looga ceyriyey dalka, hase yeeshee baaritaan ay samaysay VOA ayaa waxay sheegtay inay ku ogaatay in labadan sarkaal ay u shaqeeyaan xafiiska Midowga Yurub ee dhismaha kartida hay’adaha dowladda loona yaqaan EUCAP Somalia.

Labada nin ayaa la sheegay in ceyrintoodu ay la xiriirto kiiska kalluumaysato dhan 36 oo ku xiran xarunta ciidamada booliiska ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Maxaabiista iyo laba doonyood oo ay la socdeen ayaa lasoo qabtay bishii April, iyaga oo ku sugnaa xeebaha maamul-goboleedka Galmudug, waxaana loo haystaa inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in tallaabada ceyrinta ay qaaday kadib codsi uga yimid xeer ilaaliyaha guud ee waddanka Suleymaan Maxamed Maxamuud.

VOA Soomaali oo heshay codsiga uu xeer ilaaliyuhu u gudbiyey Wasaaradda Arirmaha Dibedda ee Soomaaliya, ayaa waxaa looga codsanayey in labadan nin waddanka laga saaro.

Codsiga xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyey labada nin inay si qarsoodi aha sawirro uga qaadeen maxaabiis ku xiran goob ciidan.

Xeer Ilaaliyaha ayaa codsigiisa ku sheegay in raggaas ay leeyihiin xasaanad oo aan lagu dhaqaajin karin dacwad ciqaabeed, sidaas darteedna loo baahan yahay inay dalka ka caryriso.

VOA ayaa sheegtay inay la xiriirtay xeer ilaaliyaha iyo xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya, hase yeeshe labadduba kama aysan soo jawaabin codsigaasi.

Maalmo kahor unbey aheyd markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

Shirkadaasi oo lagu magacaabo Aumotaivte Managementa Service, ayaa waxa uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha inuu baaris ku sameeyay shirkaddan iyo maareeyaheeda xafiiska Soomaaliya, kadib markii ay soo gaartay warbixin denbi oo la xiriirta shirkadda.

Si kastaba, Xafiiska ayaa hore waxa uu digniin ugu diray dhamaan shirkaddaha ajaaniibta ah ee dalka ka howl-galaya, gaar ahaan kuwa aan u hogaansamin xeerarka iyo shuruucda dalka.