Sawirro: Koonfur Galbeed oo DIL ku fulisay Aadan Cali iyo Maxamed Geedow

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo lagu helay inay horay dilal uga geysteen deegaanada maamulkaasi.

Labada nin ayaa xukun dil ah waxaa horay ugu ridday maxkamadda gobolka Baay, ayada oo ugu dambeyn saaka lagu fuliyay toogashada oo ka dhacday fagaare ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ragga la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Aadan Cali Cabdi iyo Maxamed Geedow Nuurow, kuwaas oo maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan.

Aadan Cali Cabdi ayaa lagu helay dilka Marxuum Macalin Daahir Cabdullaahi Mukhtaar oo ahaa agaasimaha Radio Koonfur Galbeed.

Maxamed Geedow Nuurow ayaa isaguna lagu soo eedeeyay dilka Marxuum Jamaal Cabdikariin Maadey oo ugu dambeyn lagu helay, sida ay shaacisay maxkamadda gobolka Baay.

Fagaaraha lagu toogtay labada nin ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaas, si ay goobjoog uga noqdaan toogashada.

Sidoo kale waxaa fulinta xukunka dilka ah soo dhaweeyay ehellada marxuumiinta ay horay u dileen ragga saaka la toogtay, waxayna u mahadceliyeen maamulka Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horay sidan oo kale tiirka u geysay rag dilal ka gaystay magaalada Baydhabo iyo kuwa kale oo lagu helay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, tirada toogashada ee sanadkan 2023 ayaa noqoneyso 6 qof, oo ay ugu dambeeyeen labada nin ee saaka lagu fuliyay qasaasta, laguna dilay magaalada Baydhabo.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada: