Xog: Dad loo qabtay dilka taliyihii ciidamada ilaalada xarunta golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo qabtay ilaa 4 qof oo ka shaqeynayay iyo qaar ka ag dhowaa Foorno rootiga lagu sameeyo oo ku taalo degmada Howl-wadaag ee gobalka Banaadir, halkaas oo shalay lagu dilay Allaha u naxariistee Xidigle Buule Xuseen, oo ahaa taliyihii ciidanka ilaalada xarunta Golaha shacabka.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dadkaan dhamaantood la soo xiray, waxaana sababta xarigooda lagu sheegay tuhun la xariira dilka.

Xidigle Buule Xuseen ayaa ahaa taliyaha ciidanka ilaalada xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale waxa uu ahaa qof ka Ganacsada rootiga lagu iibiyo maqaayado halkaas ku yaalla iyo mid ay cunaan ciidanka aagaas ku sugan oo isugu jira Boolis iyo Milateri

Xubno kamid ah hey’adaha amaanka ayaa sheegay in duhurnimadii shalay ay ciidanku tageen Foornadaan kadibna ay ka soo kaxeysteen ilaa afar qof oo isugu jira dad shaqaale ka ahaa halkaasi iyo kuwa ka ag dhowaa markuu dilka dhacayey.

Maxruum Buule Xuseen waxaa toogasho ku dilay dhalinyaro bastoolada wata oo sidoo kale la sheegay in ay wateen mooto waxana la sheegay in dilka kadib ay goobta ka baxsadeen.

Wali ma jirto faah faahin dheeraad oo ay bixiyeen ciidanka booliska Soomaaliya, taas oo ku saabsan dilkii shalay ka dhacay Muqdisho.