Sawirro: Maxaa ka cusub xiisadda QOOR QOOR iyo saraakiisha beesha CEYR?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa salaadii maqrib kadib ee caawa magaalada Dhuusamareeb kulan ku yeeshay odayaasha dhaqanka beesha Ceyr iyo Taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame.

Kulankaas ayaa ahaa mid xal loogu raadinayey khilaaf culus oo ka dhex qarxay saraakiil ka soo jeeda beesha Ceyr oo Jeneraal Mascuud uu u horeeyo iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Khilaafkaas ayaa salka ku haya gadiidkii iyo hubkii lagala wareegay hoggaanka ururkii Ahlu-Sunna oo mar kale gacanta u galay Jeneraal Mascuud oo horay u ahaa taliyihii guud ee ciidamadii Ahlu-Sunna, balse hadda waxa uu ka tirsan-yahay saraakiisha militeriga ee dowladda federaalka.

Odayaasha dhaqanka beesha Ceyr oo ku soo baxay khilaafkaas ayaa kulankan ay caawa Jeneraal Mascuud kula yeesheen magaalada Dhuusamareeb waxay uga xog wareysteen waxa ay isku hayaan madaxweyne Qoor Qoor.

Jeneraal Mascuud ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka in khilaafku uu ku koobanyahay gaadiidka iyo hubkii Ahlu-Sunna oo isaga ay ku wareejiyeen Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, Madaxweyne Qoor Qoor-na uu doonayo in lagu wareejiyo wasaaradda amniga Galmudug.

Taliye Mascuud ayaa odayaasha u sheegay in tiknikadaas ay tahay mid beeleed, balse aysan aheyn mid dowladeed, isla markaana isaga loogu dhiibay si magan-geliyo ah.

Intaas kadib odayaasha ayaa iska xulay guddi ka kooban 15-qof oo si deg-deg ah u soo baara jiridda khilaafkan inta cawanimo, iyagoo iclaamiyey in kulan kale la isugu yimaado berrito oo Isniin ah.

Gaadiidka iyo Hubka la isku heysto ayaa mudooyinkii dambe ku xareysnaa jiray madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo lagu waardiyeyn jiray, balse todobaadkii hore intii Qoor Qoor uu ku sugnaa Muqdisho ayaa laga saaray, waxaana toos ula wareegay Jeneraal Mascuud taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad.

Sidoo kale waxaa jira saraakiil kale oo Mascuud xulufo kula ah go’aankan uu dib ugula wareegay gadiidkii xareysnaa ee Ahlu-Sunna, kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda beesha Ceyr.

Sababta tiknikadaas looga saaray madaxtooyada waxaa la sheegay inay timid kadib markii saraakiishan ay ka war heleen in madaxweyne Qoor Qoor uu doonayo inuu ku wareejiyo wasaaradda amniga Galmudug, si loo saaro ciidan tiro yar oo aas-aas u ah daraawiishta Galmudug, kaas oo dhawaan tababar loo soo xiray

Taliyihii ilaalada madaxtooyada Galmudug Najiib Xirsi Dhoore ayaa isaga tegay shaqada, kadib markii Madaxweyne Qoor Qoor uu amray in lasoo xiro, maadaama  gaadiidkii dagaalka ee madaxtooyada ku xareysnaa uu ku wareejiyey Jeneraal Mascuud.

Waxaa jira wafdi iyo ciidamo Haramcad ka tirsan oo shalay ka degay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay dirtay dowladda dhexe.

Ciidamada ayaa waxaa dalbaday Qoor Qoor, waxaana loo diray 200 oo uu hoggaaminayey taliyaha guud ee Haramcad Farxaan Qaroole, halka wafdiga kalena uu hoggaaminayey taliyaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi oo ay jufo hoose isla yihiin Jeneraal Mascuud, waxuuna qeyb ka yahay dadaalada lagu xalinayo khilaafkaas.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa shalay ka tegay Dhuusamareeb, waxuuna hadda ku suganyahay magalaada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas ay uga daba tegeen mas’uuliyiin iyo waxgarad ka socda beesha Ceyr, kuwaas oo ku dadaalaya inay soo afjaraan khilaafka madaxweynaha iyo saraakiisha beesha ee ka tirsan dowladda federaalka.