Xog: Ethiopia oo Xasan Sheekh ku cadaadineysa arrin aan dowladda Soomaaliya u cuntameynin!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya in Xassan lagu cadaadinaayo inuu ka qeybgalo Caleemasaarka Madaxweynaha is doortay ee Maamulka Jubbalad Axmed Madoobe.

Ilo ka tirsan Madaxtooyada ayaa Caasimada u sheegaya in Dowlada Ethiopia ay warqad usoo dirtay Madaxweynaha dalka taasi oo lagu amraayo inuu ka qeybgalo Caleemasaarka Axmed Madoobe oo lala baalmaraayo sharciga dalka, inkastoo Xassan Sheekh uusan weli ka jawaabin amarkaasi.

Madaxweyne Xassan iyo Dowladiisa ayaan ku calool fiyooben qaabka uu Madaxweyne Axmed Madoobe isku doortay, iyadoo aan doorashadaasi la ogeysiin DF.

Casuumaada Caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa kaalin buuxda ka qaadanaayo Dowladaha Ethiopia iyo Kenya oo iyagu gaashaan Militeri u ah Maamulkaasi.

Lama oga jawaabta Madaxweyne Xassan uu ka bixin doono warqada kaga timid dhanka Dowlada Ethiopia oo iyadu dooneyso in Xassan Sheekh ay aqoonsi dadban uga dhigto Maamulka cusub ee Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com